Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Fadiilat Al-Digtoor Sh.Shuceyb Oo Sharaxaad Dheeri Ah Ka Si Baxshay Biisha Ramadaan

Thursday - August 6, 2009

ACWW, Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo saliga Suubanaha NNK ha ahaato, baraarujinta Jimcahan waxaan kaga hadlayaa Fursad Dahab Ah ee kusoo marta sanadkii mar qura, iney dib kusoo maridoontana Allah keli ah baa sheegi kara,  imisa qof oo sanadkii hore nala soomay baan fursad u helin iney soomaan bishan barakeysan ee fooda nagu soo haysa, Imaamka masjidka  u dhow aqalkeyga ee aan ku tukado salaadaha faradka ah, mar aan wada sheekeysanay wuxuu ii sheegay inuu la kulmay Janaaso 16 qof  oo mar lagu wada tukaday bishan Shacbaan masjidka weyn ee Al Raajixi ee ku yaal magaalada Riyadh, " Inaa Lillahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun", aniga Jimcihii hore oo aan ku gaaray Cimro Haramka Makkah salaad walba ee farad ah oo aan ku tukaday waxa ka dambeysay salaad Janaaso oo lagu tukanayo ugu yaraan dhowr qof oo isugu jira Rag Dumar Iyo caruur mar walba, " Inaa Lillahi wa Inaa ILeyhi Raajicuun", waa wax lagu cibrad qaato oo lagu waantoobo, qofkii qalbi Allah u qushuuca leh.
Bisha RAMADAN ee barakeysan oo fooda nagu soo haysa waxa ka harayna ay ka yartahay Laba usbuuc, waxa su'aal mudan ma ka fekertay oo maanka ma ku haysaa, ma isu diyaarisay oo ma ku tala gashay?  Waxa la hubaa in dad yar oo Allah u naxariistay mooyee umada islaamka ah intooda badan ineysan ku fekerin in fursadii ugu weyneyd ee sannad walba Allah uu ku maneysto adoomadiisa ay fooda kusoo hayso, dad badan waxey isweydiin karaan, Dr. Shuceyb waa isagii usbuucii hore ka hadlay bisha Ramadan ee maxuu mar kale nooga hadlayaa qiimaha ay ku fadhido bishan barakeysan, jawaabtu waxey tahay si kasta oo aan uga hadlo waxa hubaal ah iney adagtahay in lasoo koobo qiimaha weyn ee bisha Ramadan iyo fursada dahabka ah ee ay noo leedahay, Asxaabtii Suubanaha NNK ha ahaato lix bilood ee ka horeysa bisha barakeysan waxey ku duceysan jireen " Allow noo barakee bilaha Rajab iyo Shacbaan oo na gaarsii bisha Ramadan", shanta bilood ee ka dambeysana iyo bisha Ramadan, waxey ku duceysan jireen " Allow naga aqbal soonkeena".
Waxa isweydiin leh maanta ma jiraa qof naga mid ah ee sidaa u fekera, jawaabtu waa maya, sidoo kale bisha Shacban inta badan wey soomi jireen Asxaabta suubanaha NNK ha ahaato, iyaga oo ka tilaaba qaadaya tusaalihii subanaha NNK ha ahaato oo bisha Shacbaan inteeda badan uu soomi jiray sida laga soo wariyaya Sayida Aisha Allah raali ha ka noqdee oo tiri: " Subanaha NNK ha ataato bisha Shacbaan intiisa badan wuu soomi jiray, xataa aan uga maleeyay inuu ku xiriirin doono bisha barakeysan", sidaa bay u dhaqmi jireen Saxaabada Rasuulaka suuban NNK ha ahaato iyo Khalafa'u Rashidiintii ka dambeysay, waxey garteen qiimaha weyn ay ku fadhido bisha barakeysan.
Bisha Ramadan sidii laga wariyay nebigeena Mohamed NNK ha ahaato, tobanka hore waxey sidaa Naxariista Allah weyne, tobanka dhexena dembi dhaaf, tobanka ugu dambeysa badbaado cadaabta Jahanamo, "Allahu Akbar wa Lillahi Al Xamdu", nasiibkaa waxa yeesha qofkii gaara oo u sooma Allah dartii, ka fogaada wixii xun oo dhan ku dadaala inuu falo khayr. Sidoo kale qofkii afuriya qof sooman wuxuu heli ajarka qofka uu afuriyay iyada oo aan wax laga dhimin ajarka kuu afuriyay, waxa kaloo bishan barakeysan ku jira tobanka habeen ee ugu dambeeya Habeen ka khayr badan kun Habeen, qofkii Allah uu waafajiyo uu helayo ajar aan la koobi karin, Allah ha inaga yeelo kuwii habeenkaa barakeysan uu waafajiyo.
Suubanaha NNK ha ahaato wuxuu ku tilmaamay bishan barakeysan bil maalmihiisa laga soomo wax la cabo iyo waxa la cuno, iyo ficilada xun, habeenadeeda loo istaago Salaada Tarawiixda iyo cibaado Allah oo qura u gaar ah, waa bil Qur'anka xurmadiisa dib loo soo cesho oo ay ku dadaalaan dadka sooman iney khatimaan mar ama labo ama in ka badan hadba sida karaankooda yahay. Waxa is xusuusin mudan iney waajib ku tahay qofkii sooma bishan barakeysan inuu maalmaha ugu dambeeya ee Ramadan uu baxsho Zakatul Fitirka si Allah uga cafiyo hadii wax Nuqsaan ah ka yimi qofka sooman oo aan burin soonkiisa, waxa la siiyaa dadka saboolka ah ee aan heli karin qutul yomkooda, waxey ku waajibtahay qofkasta ee muslim ah xataa ilmaha caloosha ku jira waa haaboontahay in laga baxsho, sida ay sheegeen culimada Islaamka, wakhtiga bixinteeda waxey ku egtahay intaan la tukan salaada Ciida, hadii laga baxo Salaada Ciida waxey noqon sadaqo caadi ah.
Ugu dambeynta waxaan jecleystay inaan tilmaamo dhowr arimood oo dadka bukaanka ah ku saabsan iyo dawooyinka loo isticmaalo cudurada kala duwan ee ay u baahan yihiin: