Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Qoonka Somali Ee Ku Nool Yurub Iyo USA Oo Anshaxoodi Amniga Halis Noqday Awgeed Oo Dib Loo Eegayo

Friday - August 7, 2009

London : Dowladda Ingiriiska oo ay weheliyaan Yurubta kale ayaa walaac iyo murugo ka muujisay suurta galnimada weerar ay ka fuliyeen gudaha wadankaasi qaarka mid ah Soomaalida ku nool dalka Britain iyo inta kale yurubka
Wargeys lagu magacaabo China ayaa waxaa u sheegay in masuuliyiin ka tirsan waaxda sirdoonka dalka Britain ay cabsi balaaran ka muujiyeen suurta galnimada in qaar ka mid ah soomaalida ku nool dalka Ingisriisku ay qorsheynayaan qaadida weeraro la mid ah kuwii dhawaan lagu fashiliyay dalka Australia.

Wargeyska ayaa ka soo xigtay saraakiisha Sirdoonka wadanka Britain in dib u eegis ay ku samaynayaan talaabooyinka xagga Amaanka ee ku aadan Soomaalida ku nool dalka ingiriiska oo Qaybta sirdoonka ee dalkaasi ee lagu magacaabo MA5 ay aaminsanyihiin in qeyb ahaan dhalinyaradaas ay ku soo tababarteen gudaha wadanka Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay wargeysgu in labada nin ee Soomaalida ee lagu kala magacaabo Ramsi Max’ed iyo Yaasiin Cumar oo ka mid ahaa dadkii lagu qabtay dalka Australia ay qeyb ka ahaayeen weerar fashilmay oo ay ku qaadi rabeen shabakadda xagga is gaarsiinta ee Magaalada London 21-kii bishii julay ee sanadkii 2005 kuwaasi oo la fahsiliyay labo isbuuc kadib markii ay dhaceen qaraxyadii Tareenada ee dalka Ingiriiska oo ay ku geeriyoodeen 52-ruux in ka badan 700 kalana ay ku dhaawacmeen.