Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Bulshadi Gaalkacyo Oo Ku Diirsatay Bandoowga Dib U Joogso Iyo Caburinta Abbriska Habeenka Gudahaya

Sunday - August 9, 2009

Gaalkacyo :Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in illa shalay ay ciidamada Amniga oo si toosa uga amar qaata madaxweynaha Puntland ay ku gaaf wareegayaan xaafadah magaalada Gaalkacyo halkaaso saacado xadadan ay bulshado guryahooda ku galayaan ugana soo baxayaan.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Bandowgaasi loogu gol leeyahay xaqiijinta Amaanka Waqooyiga Magaalada Gaal-kacyo oo dhawaan lagu Khaarajiyey wasiirkii hore Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Seefta Banaanka iyo shakhsiyaad iyagana horay loo dilay oo ay ka mid ahaayen ikhyaarti magaalada Gaalkacyo

Goobaha ganacsiga ayaa xalay albaabada loo laabay markii la gaaray 8:00-Fiidnimo ilaa waabarigii saakayna ma aysan jirin wax dhaqaqaaqyo ganacsi ama dad caadi ah oo magaalada ka jiray.
waxaase qorshahu yahay in la furo 6;00 subaxnimo

ILa hadda Lama sheegin inta maalmood oo uu bandowgan saarnaan Doono Waqooyiga Magaalada Gaal-kacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaase la filaya in ay socondoonto illa laga gaarayo xalinta dilkii wasiirka.