Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Ramadaanka Barakeysan AwgiisTababare Idriis Ibraahim Oo Furay Koobkii Kubada Cagta Ee Minnesota

Tuesday - September 1, 2009

Minnesota : Tababare Idirs Ibraahim Suleiman oo ka mid ahaa tababarayaashii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga , ayaa si rasmi ah u furay Tartankii cayaaraha kubadda cagta ee gobolka Minnesota,kaasi oo loogu magac daray bisha barakaysan ee ramadaan,waxaana ku tartamaya 16 kooxood oo kala ah: Midnimo Sr, Edenpraire,Cedar Stars,Somali Tigers, FC Baariyoow,MSYU, Midnimo Jr,Djibouti,Saint Cloud white Park,Higher Ground,TC stars, Fc Communality, Olympic,TC stars ,Cabba iyo Via Roma.

Tartankaasi isaga ah ayaa qabanqaabadiisa iyo isku dubaridkiisa waxaa iska lahaa labada dhallinyaro ee la kala yiraahdo Khadar Saciid Xasan oo loo yaqaan"Fay Cali" iyo Idiris Maxamed Maxamuud "Caluuko", kuwaasi oo aad isugu taxalujiyay in tartankani uu qabsoomo. waxaana uu ka socon doonaa habeen kastaba laba garoon oo ku yaalla magaalada Burnsville, iyada oo la rajaynayo in uu soo gabagaboobo maalinta Ciidda ah.

Tababare Idiris oo munaasabaddii furitaanka ka hadlay ayaa si aad ah ugu ammaanay dhallinyarada kubadda cagta dadaalka iyo horumarka la taaban karo ee ka muuqda labadii sannadood ee ugu dambaysay. Tababare Idiris waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la xurmeeyo bisha barakaysan ee ramadaan oo aysan noqon oo kaliya in kubad la cayaaro, balse loo baahan yahay in la fuliyo waxa bisha ramadaan ay na farayso oo lala yimaado Cibaado dheeri ah si Alle uu inoo waafajiyo waxa aynu ka doonayno maalinta khiyaamaha. Sidoo kale tababare Idiris waxaa uu dhallinyarada ku dhiirrigaliyay inay ku dadaalaan waxbarashadooda , ayna ogaadaan in dalkeenna burburay ee Soomaaliyeed uu iyaga sugayo.

Munaasabaddasi Furitaanka waxaa iyaguna hadallo gaaban ka soo jeediyay C/qaadir yuusuf Ciise"Madaxey",Cabdulqaadir Xaaji Daahir"Shiikha" Maxamuud Ciise Faarax iyo Cumar Cadde oo dhammantoodba ka tirsanaa cayaaryahannadii kubadda koleyga naadiyadii heerka 1aad ee dalkeena Soomaaliya.

Cumar Cadde oo isagu marti ku ahaa gobolka Minnesota,kana yimid Portland ayaa ka dhawaajiyay in fursad aad u wanaagsan ay haysataan dhallinyarada Minnesota oo aysan haysan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Portland, loona baahan yahay in ay ka faa’iidaystaan. waxaana uu u rajeeyay tartankan loogu magac daray bisha Ramadaan in uu noqdo mid lagu guulaysto.