Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Soomaalida Ku Nool Dalka Ruushka Oo Ay La Soo Daristay Cunsuriyiin Lixaad Leh

Wednesday - September 2, 2009

Moskow : Dadka ka soo jeeda Qaarada Afrika ee ku nool dalka Ruushka, gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Moskow ayaa sheegay inay dhibaato xoog leh ku hayaan kooxo cunsuriyiin ah, ayagoo sheegay in xaaladooda nololeed ay ka dhigeen mid ciriiri ah.

Baaritaan shalay la shaaciyey oo laga soo aruuriyey dadka Afrikaanka ah ee ku dhaqan Moskow ayaa la xaqiijiyey in dad ku dhaw kala bar dadka Afrikaanka ah ee ku nool dalkaasi Ruushka, la cunsuriyadeeyo wakhti walba iyo goob walba.

Afrikaanka ay ku jiraan Soomaalida ku dhaqan magaalada Moskow ee caasimada Ruushka ayaa sheegay inaanay inta badan raacin tareenada dhulka hoostiisa mara ee loo yaqaan Metro-ga, baqdin ay ka qabaan in ay weeraraan kooxaha cunsuriyiinta ah.

Sidoo kale Afrikaanka ayaa sheega inaanay badanaa banaanka u bixin maalmaha ay feestooyinka jiraan ama ciyaaraha kubada cagta, ayagoo ka cabsi qaba inay is helaan dadka khamriyeysan ee cunsuriyiinta ah, ayagoo sheegay in had iyo goor kala kulmaan hanjabaad iyo aflagaado baaxadleh.

Falalkan ka dhanka ah dadka madow ama dadka afrikaanka ah ayaa ku koobneyn sida warbixintan lagu sheego aflagaado oo kaliya, ayadoo ay marar badan dhaceen falal isugu jira dil iyo dhaawac loo geystay dad Afrikaan ah magaalada Moskow.

Dilkii ugu danbeeyey ee ka dhaca Moskow ayaa loo geystay nin u dhashay dalka Nigeriya kaasi oo dhawr jeer mindi dhabarka laga galiyey , kadibna xabad lagu dhuftay. Nin kale ayaa asaguna sheegay inay isku dayeen kooxahan inay qoorta ka jaraan.

Magaalada Moskow ee caasimada Ruushka ayey sida lagu hayo tirakoobka ay degen yihiin dad gaaraya Toban kun oo qof oo kana soo jeeda qaarada Afrika, walow ay jiraan dad badan oo ayagun diiwaan gashanayn oo si sharci daro ah ku jooga dalka.