Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Fadiilat AL-Digtoor Sh.Shuceyb Oo Sharaxaad Waafiya Ka Baxshay Mid Ka Mid Ah Cudrada Halista Iyo....

Thursday - September 3, 2009

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah, iyo saliga Suubanaha N.N.K. ha ahaato. Baraarujinta Jimcahan waxaan marka hore hambalyo halkan uga soo gudbinayaa akhristaha bogga galdogobtimes ee Allah u suurto geliyay inuu soomo isaga oo nabad iyo caafimaad ku jira, waa Allah fadligii iyo wax loogu mahad cesho nimcadiisa uu angu maneystay, waxaana ka rajeynayaa Allah inuu noo fududeeyo inta ka hartay bisha barakeysan, naga yeelo kuwii caafimaad ku guta, isagaa awooda wax walba.
Intaa ka dib, xanuunada qofka ku dhaca ee lagu ibtileeyo aad bay u fara badan yihiin kuwo loo helay dawo iyo kuwo aan weli dawadooda la gaarin, siduu tilmaamay Suubanaha NNK ha ahaato isaga oo yiri " Allah cudur kasta Dawo buu u yeelay labo mooyee, {Gabow iyo Geeri} dawo ma laha",

Qofkii Allah ku ibtileeyo mid ka mid ah cudurada jira ama dhowr ka mid ah oo ku sabra, ajar weyn baa xaga Allah looga qorayaa, sida la ogyahay hadii Allah uu jeclaado adoonkiisa wuu ibtileeya si uu ula yimaado sabur badan markaana ajar weyn looga qoro xaga Allah.

Cuduradaa faraha badan waxa ka mid ah dhawac gaara maskaxda oo si kedis ah u haleela bukaanka uu ku yimaado cudurkan, jimcihii hore maqaalkii aan qoray waa anigii idinka dalbay in loo duceeyo nin saaxiibkey ah qaraabana aan aheyn oo si lama filaan ah dhaawac uga gaaray maskaxda, Allah waxaan ka rajeynayaa inuu siiyo caafimaad dhow.

Usbuucan aan ku jirno sidoo kale nin takhtar ah oo aan mudo saaxiib aheyn kuna soo gaaray Cimro dalkan Saudi Arabia, waxa isoo gaartay in hooyadii sidoo kale si lama filaan ah dhaawac uu ka gaaray maskaxda, waxaan Allah ee naxariista badan ka baryayaa inuu caafimaad siiyo dhamaan bukaanka muslimiinta gaar ahaan kuwa aan tilmaamay ee khabarkooda nasoo gaaray, Allow naga aqbal ducadaa waxaan ku jirnaa bishii barakeysneyd ee Ramadan.

Cudurkan  halista uu ku fadhiyo iyo ahmiyad uu leeyahay dartedd baan gartay inaan kormeer gaaban ku sameeyo si inta akhrisata maqaalkan ay uga fa'ideystaan waxa uu yahay guud ahaan, qofkii doona fahfaahin dheer waxa uu ka heli karaa kutubada caafimaad iyo maqaalada laga qoray ee sida sahlan looga heli karo Internetka.

Cudurka aan rabo inaan ka hadlo waxa la Yirah "STROKE", luqada ingiriiska ama "Jaldha" afka carabiga, wuxuu u kala baxaa guud ahaan laba nooc.

1- Midka hore oo ah dhiig ku furma qeyb ka mid ah maskaxda oo markaa dhaawac uu ku yimaado, Inta badan waxa sabab u ah dhawaac Allah uu ku beeray qofka markii uu abuurmayay oo horay u jiray loona yaqaan "Aneurism" gundhig waxa u ah in dhawaca si kedis ah uu ku yimaado marka "Pressure-ka dhiiga si aad ah kor ugu koco iyo cuduro kale oo ay ka mid yihiin cudurka Sokorowga ama kuwo kale oo badan, kadibna waxa kordha "pressure-ka ama "Daqdiga" madaxa gudihiisa maadama madaxa uu yahay Laf xiran oo dhexda ay kaga jirto "Maskaxda" iyo "Qoyaan" gaar ah oo Allah ugu tala galay inuu ku dhowro Maskaxda si aan dhibaato ugu iman marka dhaqaaq ku yimaado, noocan hore waxa inta badan uu keeni karaa in qofka uu galo Miyirbeel ama "Coma", waxana halis geli karta qofka naftiisa hadii aan wax laga qaban si deg deg ah, Waxa Mahad mudan Allah oo farsameeyay abuuristiisa sida ugu wanaagsan.

2- Nooca labaad waa midka loo yaqaan "Embolic", midkan "Xinjir" yar oo inta badan kasoo bilaabatay Wadnaha ama halbowlayaasha dhiiga ee ku yaal qoorta dhinacyadeeda markaana dhiiga u gudbiya Maskaxda ayaa xirta xidid maskaxda dhexdeeda ku yaal, kadibna waxa gaba howsha intii uu waraabinayay xididka dhaawacu gaaray, noocan waa kan ugu badan ee keena dhawaca maskaxda gaara, sababta ugu badan ee keenta waxa ugu horeeya cudurada Wadnaha iyo kor u kac ku yimaada Dhiiga "High Blood Pressure" iyo cudurka Sokorowga, sidoo kale marka dufanka dhiiga uu sare u kaco "Incresed Cholesterol and Triglycerides", iyo cuduro kaloo fara badan oo ay ka mid yihiin Jug ama dhawac soo gaaray madaxa kol hore ama mid cusub oo markaa ku yimi, sida shilalka ka yimaada gaadiidka la adeegsado iyo dhawacyada dagaalada iyo kuwa dadka dhex mara, dhawaca noocan dambe inta badan waxa gaba howsha uu qaban jiray hadba qeybta ka mid ah Maskaxda ee dhawucu gaaray, bukaanka waxa inta badan laga dareemaa qeyb ka mid ah jirka sida Adinka sare iyo Jeeniga hoose isxiga oo curyaama weliba ay noqon karto in mudo dheer qofku uusan soo kabsan ama Curyan nimada uu ku dambeeyo.

Waxaase xusid mudan lana ogyahay "Ka hortaga ayaa ka wanaagsan daweynta", iyo in laga fogaado wixii keeni kara in dhaawac soo gaaro maskaxda oo ah meesha ugu muhiimsan ee qofku ka dhaqaaqo, la'aanteedna jirka oo idil shaqadiisa gabayo.

Waxaana halkan uga jeedinayaa Baaq dadka qaba Cudurada Raaga "Chronic Diseases" ama kuwa aan kor ku tilmaamay in ay baaraan caafimaadkooda si joogta ah, dawada loo qoray si wanaagsan u qaataan iyo sidii uu kula taliyay Takhtarka, la yimaadaan dhaqdhaqaaq ama "Exercise" ugu yaraan saacad barkeed sadex goor usbuucii, Ogow in shanta salaad ee Allah na faray maalintii ay tahay mid wax weyn ka taraysa caafimaadka qofka oo ay tahay "Exercise" fudud fa'ido badan u leh caafimaadka jirkeena.