Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Gaalo Kibirtay ... Tunkoodi Daawaday Oo U Dardaarwarineysa Muslimiinta Kula Nool Carigooda

Monday - September 7, 2009

Birmingham- Britain : Magaalada Birmingham ee Caasimada Labaad ee Dalka Britain Ayaa Waxa maanta, Shalay iyo doraadba  Ka dhacay Mudahacaaraad Culus oo Diinta Islaamka Lagaga Soo horjedey Waxana Muhadaraadkaasi Halkaas Ka dhigay Kooxo Xagjir Cunsuriyiin Ah  oo Lagu  "Magcaabo English Defence League" Waxana Kooxdaasi Cunsuriyiinta Ah Kudhawaaqayeen Eragyo Ka dhan Ah Diiinta Islaamka oo Ay Ku sheegeen In Diinta islaamka Magaaladooda Si Xoog Ah Ugu Fideyso Ayna Haboontahay In Laga Hortago Ama La tirtiro Waa Sida Ay Sheegeene.

Mudaharaadkan Ayaa Markii Dame Isku Bedeley In Gacanta Layskula tago Kadib Markii Musliminta Magaalada Birmingham Ka caroodeen Weerarka lagu Soo qaaday Diintooda.

Magaalada Birmingham ee caasimada labaad ee Dalka Ingiriiska  Ayaa Ah Magaalada Ugu Muslimka Badan Dalka Ingiriiska Waxana Magaaladaas Sanadkiiba Ka muslima Tiro Dadka Diimaha Kale haysta Ah.

Kooxaha Cunsuriyiinta Xagjirka ah ee "English Defence League"  Ayaa iyagu Xiriiro La leh Qaar Ka mid Ah Xukuumada Dalka Britain Iyo Xisbiyada Siyaasiyiinta ah oo uu ugu Horeeyo Xisibiga Isaguna Cunsuriyiinta Ah ee BNP (British National Party) Iyo Xisbiyo Kale oo Lookal Ah uuna Ugu Sareeyo Xisbiga BDR British Defense Religion.