Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Afgambi ka Dhacay Somaliland...Xarunti Wakiilada Oo Lala Wareegay iyo Xildhibaanadi Oo Qoobka Rogay

Tuesday - September 8, 2009

Hargeysa : Qab Qab Dhaafay iyo shuushuuda hadalo xun oo laysku nabayo ayaa nasteexadi iyo heshiisyadi nabada ay ku caano maashay Somaaliland maanta hawtal-hamageyneysa oo ay muuqata hoonkii loo tumay shacabki soo hiloobay ay ku socoto hayjad iyo Oon oo maamuuskii iyo naaladi kheyrka ay heysteen mugdi si galay ... Maanta Taleefoonada Halawga iyo Taararka, BBC-da Hirarka Gaagaaban kuwa Dhaadheer waa Hargeysa ... waana dhibaato soconeysa haddi kii la caleemo saaraba qolo saluugeysa.

Warar xuuraan oo dhinacaas Hargeysa ka soo baxaya ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Riyaalle iyo xubnihiis golaha wasiirada ay kubadi ciyaarti kooxihi is-wajahayey ay golka ku dhaliyeen oo waliba shabaqa ku sii jareen biladi lagu taxi-lahaana ay hortaalo ...  Riyaale iyo kooxdiisa shirar is daba joog ah oo ay maalmahaan ku qaadanayeen xarunta Madaxtooyada si ay ku fashiliyaan mooshin la sheegay in la horkeenayo golaha wakiilada oo xilka loga qaadayo Madaxweyne Riyaale ayey afka u rideen ... Riyaale iyo kooxdiisi markay rog-rogeen maskaxdooda, Tunkoodina daawadeen, arkeen dadkii iyo xubnihii golaha oo badanaa irbad qabyaaladeed ku wada mudanyihiin laguna soo jiheeyey waxay go'aansadeen iney albaabada u xiraan Baarlamaanka iyagoo u qorsheeyey in halkaas buuq iyo xabado laga rido oo dabadeed goobta shirka ay soo galaan ciidamada amniga gaashaaman iyagoo ku marmarsiyoonaaya xasilinta nabadgalyada, waxayna shaxdii u dhacay sidi farsamada ahayd ee loogu tala galay ... lama filaayo in baarlamaanku waayahaan furmi-doono haddaan dhinaca dawlada aysan helin wax muujinaya inusan dagal dambe ka dhici-doonin golaha dhexdiisa, waxaase la hubaa in markasta oo shir golaha wakiilada ay galaan in Qas iyo Buuq dhacayo oo ay ka dambeeyaan Madaxweyne Riyaale iyo kooxdiisa NNS-ta u badan.

Sida aan warka ku helnay kooxda mucaaradka ee ay horkacayaan Axmed Siilaanyo iyo Ina Waraabe iyagaa markii hore bilaabay qorshe afgambi ulana tageen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mr. Ciro oo ku qanacsiiyeen in faqashta yar markii la saaro u Mr. Ciro lafahaantiisa ay furantahay inu qabto xilka madaxweynaha siiba mudada u qaska iyo kala guurka siyaasadeed ay jirto, hasa ahate waxaad mooda in afgambigaas siyaasadeed u ka dhicisoobay taaso muujineysa mucaaradku ineysan lahayn awood ay ku ciyaaraan Geemka Socda.   

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda JSL Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro ) ayaa dhiniciisa  Sheegay in xarunti golaha wakiilada ay la wareegeen ciidamada qalabka sida oo ay taageerayaan ciidamo bolis ah soona galeen gudaha golaha iyagoo qaatay furayaashi dhamaan wixi yaaleyna la wareegeen kalana wareegeen inamadi Waashmaanada iyo xoghaynta intaba , arintaas oo u gudoomiyaha ku sheegay sharcidaro.

Gudoomiyuhu wuxu uu intaa ku daray in ay u sheegayaan ummadda Somaliland iyo cidda danaynaysaba Somaliland ba in golihii sharci dajinta oo labadii wiig ee u danbeeyey ba ciidan ku waageersanaa ay maanta oppression-koodii ay labada wiig ay sugayeen ay fuliyeen oo ay golihii la wareegeen oo golihi aanu gacantayada ku jirin oo mafaatiixdii bil khasab lagula wareegay .

Gudoomiyaha ayaa intaa raaciyay in aanay xaq u lahayn in ciidamo soo galaan in ay furayaasha ka qaadaan sidoo kale waxa uu sheegay in mudanayaashi ka dareereen xarunta ba oo cid mudanayaal ah oo joogta aanay jirin .