Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

20 Milyan Oo Shucuubta Geeska Afrika Oo La Daala Dhacaya Gaajadi Taariikhda Ugu Xumeyd

Wednesday - September 9, 2009

Canada: Shan Hey'adood oo dhamaantood laga leeyahay dalka Canada ayaa war murtiyeed ay si wada jir ah u soo wada saareen waxaa ay kaga digeen abaar xoog leh oo haatan ka jirta dalalka ku yaala Bariga Africa.

Qoraalka oo ay soo wada saareen Hey'adaha kala ah CARE Canada, Oxfam Canada, Oxfam-Quebec iyo Save the Children Canada,ayaa lagu sheegay in Gobolka Geeska Africa uu la daalaa dhacayo mid ka mid ah gaajadi ugu xumeyd ee mudo sanado ah iyadoo haatan ay gaajo la jiifaan ilaa iyo 20 Milyan oo ruux kuwaas oo ay heyso sida ay warbixintu sheegtay gaajo aad u daran.

Warbixinta saldhig uga dhigtay gaajada roobab yari afarti sano ee lasoo dhaafay ah,dalagyada beeraha kasoo go'i jiray oo si aad ah u yaraaday colaado iyo is mari waa siyaasadeed oo ka jira gobolka.

Hey'adaha gargaarka oo warbixinta inteeda badan diirada ku saaray xaalada liidata ee ka jirta Somalia ayaa sheegay dagaalada aan kala go'a laheyn ee ka jira Somalia ay sii murjinayaan xaaladaha bani,aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.
Tan iyo inti ay ka bilowdeen dagaalada u dhaxeeya ciidamada AMISOM,kuwa dowlada TFG-da iyo kooxaha Islaamiyiinta ayaa warbixintu waxay sheegeysaa in ay ku dhinteen ilaa iyo 2,000 oo ruux halka Nus ka mid ah dadka Soomaalida ah ay ubaahanyihiin gargaar sidoo kale shanti caruur ah hal caruur ayaa la ildaran nafaqa dari.

Isniinti la soo dhaafay Hey'ada UNHCR ayaa ku dhawaaqday in dagaaladi ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku barakaceen dad ka badan 250,000 oo ruux taasoo ka dhigeysa tirada dagaalada Somalia ka barakacay 1.55 million.

Qaxootiga Soomaaliyeed oo intooda badan u cararay dalalka Ethiopia iyo Kenya ayaa buuxiyey xerooyinka qaxootiga,tusaale xerada Dadaab camp ee waqooyiga bari dalka Kenya waxaa loogu tala galay 90,000 oo ruux waxa haatan ay noqotay mid ka mid ah xerooyinka qaxootiga ee ugu weyn caalamka waxaana ku nool ilaa iyo 300,000 oo ruux.