Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Madaxweyne Nioclas Zarkozy Oo Cuqdad Ka Qaaday Gaabndiisa

Wednesday - September 9, 2009

London - Wargeyska The Daily Telegraph ee kasoo baxa dalka ingiriiska ayaa dabacay 20 qof oo faransiisa oo amar lagu siiyay inay daba istaagaan madaxweynaha dalka faransiiska Nicolas Zarkozy, mar uu khudbad kajeedinayay talefishanka dalka si uu dhararkiisu u soo baxo.

Wargeyska The Daily Telegraph ayaa sheegay in shaqaalaha madaxwaynuhu ay jirto iney ka soo shaqeeyeen soo xulida dadka ka gaaban dharer ahaan madaxwaynaha, waxaana jirta mar uu booqasho ku aaday warshada Gawaarida ee Vyryca mana soo baxin qof ka dheer madaxweynaha oo dhararkiisu yahay 1.65.

Arintan ayaa soo shaac baxday kadib markii mid ka mida shaqaalaha warshadani ay shaaca ka qaadey in lagu soo xushey gaabnideeda taas oo saxaafada farta ugu fiiqday 20 ka mida shaqaalaha oo iyagana lagu soo xulay gaabnida kuwaas oo iyana cadeeyay in ay yihiin shaqalaha ugu gaagaaban warshadaan u soo booqday Zarkosy oo tiradoodu dhantay 1400.

Warkeyska ayaa shegey in Madaxweynah dalka faransiiska Nocalas Zarkozy uu cuqdad ka qabo gaabnida waxaanu intaa ku daray wargaysku in Mr. Zarkozy aanu raali ka ahayn inay ay saxafadu ku celceliso dhacdadii fadeexada u soo jiiday bishii lixaad ee sanadkan kadib markii uu kursi isku dheereeyay mar uu shir jaraa’id la qabanayay raysal wasaarahaa dalka ingiriiska Gordon Brown oo dhararkiisa lagu qiyasay 1.79m iyo madaxwaynaha dalka marykanka Barack Obama oo isna dhararkiisa lagu qiyasay 1.88m halka Silvio Berlusconi 1.65m iyo Dimitry Medvedev 1.65m