Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dawladi Maroodiga Ahayd "USA" Oo Ka Yaaban Inu Bakeylahu Lagdo Markay Soo Food Saartay Fuqurnimo

Friday - September 11, 2009

washington: Xakuumada Maraykanka ayaa sheegtay in ay La soo daristay Shacabka u dhashay Wadanka Maraykanka hoos dhac dhaqaaale oo aad u baahsan, kana soo bilaabtay mudo laga joogo 40sano.

Dowlada Maraykanka ee uu Madaxwaynaha ka yahay Barrack Obama ayaa la shaaciyey in ay la soo dariistay xaaladii ugu xumayd ee tan iyo inta uu la wareegay talada Wadanka Maraykanka Madaxwayne Obama .

Waxaa warbixinadu Shaaciyeen in Shacabka Maraykanka ay haatan la soo daristay in ay waayeen Shaqadii ay ka shaqayn jireen , waxaana sanadkaani 2009 Shaqa waayey Shacab aad u fara badan oo garaya 15%.

Wasaarada Arimaha Gudaha ee Wadanka Maraykanka ayaa ku howlan sida ay wax ugu qaban lahay Dhaqaale Darida soo food saartay Shacabka Wadanka Maraykanka oo isla markaa saameyn ku yeelatay khasnada dakhliga dawlada federaalka oo dhici karto in kaalinti awooda mareykanka  miisaanka caalamka ku lahayd ay daciifto oo maroodinimadi lagu yiqiinay laan geeda ku jabinweydo

Waxayna sidoo kale sheegtay Wasaarada Arimaha Gudaha in ay Dadka Maraykanka ah ay sii faqriyayaan Maalinba Maalinta ka danbaysa

Madaxwayne Obama ayaa mar mar badan ka hadlay dhaqaalaha Wadanka Maraykanaka iyo shaqala’aanta ka jirta gudaha Wadanka Maraykanka , waxuuna sheegay Madaxwayne Obama in uu wax ka qaban doono shaqa’la’anta wadanka maraykanka.