Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

D. Riyaalo Leebi Noqday Iyo Mucaaradkiisi Oo Ku Qaday Hawl-karnimadoodi

Sunday - September 13, 2009

Hargeysa: Madaxweyne Rayaale oo sidisi sidi shabeel Isha Dabaya, rabana inu mucaaradkiisa ka daba qaato shaqalna u tuuro, irdaha ay ka soo gali jireena Ooda ka saaray ayaa isagoo afeefanaya waxa uu ugu horeyn u qadaimay shacbiga Tacsi uu u diray shacbiga Somaliland isagoo ka Tacsiyadeeyay dhibaatadii doraad ka dhacday magaaladda hargeysa,waxaanu ugu baaqay inaan mar danbe waxaan qaranimada ahayn dhiig loo daadin oo la iska ilaaliyo tafaraaruqa, duub iibsiga iyo beer-laxaawsiga ku saleysan daneysiga gaarka ah.

Madaxweyne Rayaale waxa uu mar kale u soo jeediyay axsaabta iyo shirguddoonada labada goleba wax wadahadal ku dhamaan kara inaan dagaal la gaarsiin oo edebta xishoodka iyo anshaxa aan halis la galin, waxaanu mar kale ku baaqay wada hadal bilaa shuruud ah inuu diyaar u yahay.( micnaha Ay ka baxdo meesha shuruudi mucaaradka ee ahayd in wada hadalku ku xiranyahay inu Riyaale kursiga ka dago)

Madaxweyne rayaale waxa uu si adag uga digay inaan shacbiga Somaliland mar danbe hagar daamo iyo dagaal hurin loo geysan isla markaana aan lagu ridin tafaraaruq danbe oo kii lixdankii oo kale ah,waxaanu sheegay mar danbe haddii la kala diro inaan fursad loo heli doonin shacaabkaan in la isku soo celiyo.

Cadaw badan baan leenahay,dad badanbaa inaga faa’iidaysan-doona,nabadan maanta aynu hayno wada dheer baa loo soo maray dhibaatooyin badana waa loo soo maraya. Haddii maanta ay inaga wiiqanto oo ay inaga furanto sida looga soo kabtaa aad bay u adkaanaysaa qiimo aan ku badalan karnaana ma jiro ayuu yiri Riyaale

Waxuuse raacshay oo yiri: Waa la isku qaban karaa siyaasadda iyo hadalka laakiin inaan wadahadalo wixii aan hadal ku dhamayn karno, inaan cunfi u adeegsano oo carruurteena lagu lu gooyo taa anigu waan ka talinayaa ...  Shacbiweynahana waxaan leeyahay xisbi kasta oo naga mid ah cod bay idinku leeyihiin dhiigiina inaad daadisaan ma aha ... shacbiweynaha waxaan leeyahay nina dhiigiina ha u daadinina,difaaca qaranimadeena uun baan dhiig u daadin karnaa, xantaxantaysiga xisbiyada ninkastiba ololihiisa siduu u sheegayo isagey jirtaa.