Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Gantaalo Rogay Mulacyadi Gabanada Shabaab Iyo Ina Godane Oo Weli Luqunta Tiirinaaya

Monday - September 14, 2009

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa duqeyn Diyaarado Helicopters ku qaadeen Kolonyo ay saarnaayeen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabab, iyadoo diyaaraduhu ay gaarayeen ilaa Lix diyaaradood.

Diyaaradaha ayaa rasaas ooda uga qaaday Kolonyada oo aheyd nuuca Prado ah, taasoo ka timid Magaalada Kismaayo kuna soo jeeda dhinaca Muqdisho, waxaana afar ka mid ah Diyaaradaha dhulka u soo dageen dabadeedna qaatay Meydad ilaa afar ahaa oo saarnaa gaariga.

Wararka ayaa sheegaya in Sarkaal sare oo lagu magacaabo Saalax Cali Saalax Nabhaan uu ku dhintay weerarkaas, sida ay ilo wareedyo muhiim u xaqiijiyeen

Diyaaradaha Helicopter-ka ayaa ahaa kuwo si gaar ah u beegsanayay Gaariga, waxayna ku weerareen Tuulo lagu magacaabo Roobow oo u dhow Baraawe, oo dhinaca koofur magaalada Muqdisho kaga beegan 155 KM.

Saalax Nabhaan oo u dhashay dalka Kenya ayaa ahaa xubin fir fircoon oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana uu ahaa nin sida weyn u tababari jiray dagaalyahanada Islaamiyiinta, isagoo ka mid ahaa saddex xubnood oo uu Mareykanka si weyn uga baadigoobayay Soomaaliya, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qarxiyay Safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Tanzania 1998-dii.