Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

CIA-da Oo Kashiftay Xaqiiqadi Cufeysneyd Ee Hawl-galkoodi Shabaab iyo Roobow Oo Suunkiisi Giigsaday

Tuesday - September 15, 2009

Washintoon: Sida ay qortay Website ay leeyihiin Ciidanka Maraykanku ayaa lagu Qoray in nin ka tirsan Sirdoonka Maraykanka " CIA" uu si qarsoodi ah ula soo xiriiray warbaahinta, isaga oo sheegay in maalmihii ugu dambeeyey ay ku raad joogeen dhaqdhaqaaqa Saalax Nabhaan.

Sida laga soo xigtay ninkaa waxa si mug leh uga qayb qaadanaayey daba-galka lagu hayey Saalax iyadoo adeegayaal Soomali ah oo si toos ah u soo tabinayay dhaqdhaqaaqiisa. Waxa uu sheegay Masuulkani in howlgalkan lagu fuliyey Saalax uu ogolaaday Madaxweyne Obama.

Ninkaas warkaas daboolka ka qaaday waxuu kalo sheegay in Dayaaradaha fulyey Weerarka waxa ay ka soo keceen Markab taagan badweynta Hindiya, kadib markii ay heleen xog ay ku kalsoon yihiin oo sheegtay halka uu marayo Saalax iyo lix nin oo Shisheeye ah kuwaas oo watay laba gaari.

Howlgalkan oo lagu fuliyay si degdeg ah 1-dii duhurnimo xiliga Soomaliya, waxa ka qayb qaatay lix Dayaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca, Dusha waxa kala socday oo ilaalinaayey ciidan heegan ah oo saarnaa Markabka ay ka soo duuleen, kuwaas oo loogu tala galay iney u gurmadaan ciidankooda waa haddii ay ku go'doomaan Gudaha Somaliya.

Dayaaradaha qaar ka mid ah ayaa duqayn fudud u gaystay labada gaari si aanay u Guban Gawaadhidu iyo dadka saarani .... Muhiimada ay rabeen ayaa ahayd in ay hubiyaan cidda saaran gawaarida ... Ciidanku waxa ay isticmaaleen Shiish-yahano "Snipers", kadibna ragii saarnaa Gawaarida ayaa xabado ku riday dayaaradihii, taas oo keentay in loogu jawaabo gantaalo yaryar oo ah nooca "Air-to-Surface missiles" Ugu yaraan lix ka mid ah Raggii saarnaa Gawaaridaas waa la dilay labana iyaga oo dhaawac ah ayaa la qaatay.