Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Fazul Cabdalla Oo Si Ban Mareykanku Uga Dhex-raadinayo Soomaaliya Iyo Cabdi Qaasim Oo.............

Wednesday - September 16, 2009

Fazul Abdalla waa Maskaxdii ka denbaysay Qaraxyadii lagu fuliyey Safaaradaha Maraykanka ee Africa-da bari, waxaanu macalin ku yahay habka dhuumashada ama Isqarinta.

Mr Fazul ayaa liiska Argagaxisada ee FBI-da Safka hore kaga jira , Iyada oo waliba Dawlada Maraykanku balanqaadey ninkii warkiisa keena in la siin doono lacag dhan 25 million oo dollar.

Fazul waxa uu u dhashay jasiiradaha kamooro da'diisana wax lagu qiyaasay in uu yahay 37 jir, Wararkii ugu danbeeya ayaa sheegaaya in uu ka mid yahay Madaxda  Al-shabaab kuna sugan koonfurta Somalia .... Fazul ayaa ah nin aad u yaqaana cilmiga kombuyuutarada iyo luqadaha, ninkaasi waxa uu leeyahay in ka badan 18 Naanaysood oo uu isticmaalo.

Bishii march sanadkii 2003 ayaa waxaa Maraykanka oo uu caawinaayey Qabqablihii la oran jiray Maxamed dheere ee reer Jowhar uu gacanta ku dhigay nin yemani ah oo la yiraahdo Saleebaan Cabdala Saalim oo isagu ahaa dadka aadka ugu dhow-dhow Mr Fazul, qabashada ninkaasi waxay kuu cadaynaysaa in uu Fazul ku dhuumanaayo Somalia muddo aad u dheer.

Fazul ayaa waxa la sheegayey in uu soo gaaray dhamaadkii sanadkii 2003 magaalada Muqdisho iyadoo ay ilaalinayaan ama waardiyeynayaan dablay aad hubaysan oo ka amar qaadanaysay Adan Xaashi Ceerow oo Maraykanku dilay iyo Cabdiqaasim Salaad Oo mar soomaaliya madax ka noqday

Sanadkii 2004-kii ayaa waxaa la sheegayaa in Fazul uu u gudbay dhinaca marka ilaa iyo kismaayo iyo xuduuda kenya. Intii Al-shabaab aanay xoogaysan waxa uu Fazul damacsanaa in uu ku dhexdhuunto dadka Banaadiriga ah ama Baajuunta ah oo uu u ekaan-karo iyada oo la sheegay in ninkaasi uu aad ugu fiican yahay luqada Sawaxiliga ee ay dadka Baajuunta ahi ku hadlaan.

Mr Fazul waxa uu wakhti ku soo qaatay tuulada Gendershe ee u dhexeysa Mogdisho Iyo Marka iyada oo waliba ay dadka degaanka ahi ogaayiin in uu yahay nin si aad Maraykanku u raadinaayo. Dadka magaalada deggen waxay sheegeen in uu maalin walba uu ku tababaran jiray xeebta, laakiin mar dagaal tuuladaa ka dhacay, waxa uu qabtay dhinaca Muqdisho khaasatan xaafada Xama-rjajab. Waxa kale oo la sheegay intii ka horaysay 2006-kii in u kala Gooshi jiray Magaalooyinka kala ah Kismaayo, Kudhaa, Madhomo iyo Diinsoor Meelahaas oo uu ka soo iibsan jiray dhagaxaan aad u qaali ah.