Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Haweyney Muslim Ah Oo Baadi-Goobeysa Ninkii 23-Aad Ee Guursada

Wednesday - September 16, 2009

Kuala Lumpur - Maleysia : Ayeyo Maka Wok oo ah islaan Maleysiyaan ah oo da`deeda sii caga-cageyneysa 107-sano ayaa shaaca ka qaaday in ey baadi goob ugu jirto ninkii 23-aad ee nolosheeda, kadib markii odeygii qabay la dhigay cusbitaal islamarkaana ay iska furtay.

Ninkeeda oo 37-jir ahaa laguna magacaabay Momamad Noor Che Musa ayey iska furtay Maka kadib markii cusbitaal ku yaal caasimadda Maleysia ee Kuala Lumpur la dhigay si looga dhaqo balwad daroogo oo uu qabay.

Maka ayaa sheegtay in ey iminka dareemeyso cidlo islamarkaana ey dooneyso nin ey nolasha lasii wadato, kaasoo noqonaya seygeeda 23-aad.

Waxa ey sheegtay in ey rajeyneyso in ey la kulanto nin dhalinyaro ah, iyadoona carabka ku dhifatay in ey adagtahay arintaasi maadaama ey tahay qof waayeel ah islamarkaana ragga eysan soo jiidaneynin oo ey doonayaan gabar yar.

Mar wax laga weydiiyay ninka ey dooneyso ceynka uu yahay ayaa waxa ey tiri "Ma u maleynayo in aan helayo nin u quruxbadan sida Raiisal wasaaraha Maleysia Najib Razak, balse waqti xaadirkan nin kasta oo wanaagsan waan ku qanacsanahay, haba foolxumaadee".