Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Caalim Al-Digtoor Sh.Shuceyb Oo Waano Iyo Wacadi Wixi Alle Baray Kaa Haqabtiraya Casharkisi Taxanaha

Thursday - October 15, 2009

Waxaan Halkaan Idin Ku Soo Bandhigeynaa Casharkii Jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Dogtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf .... Waa Caalim Wixi Alle Baray Ee Wacdi Iyo Waano Kaa Haqabtirikara Gaar Ahaan kaa Furdaaminkara Wixii Dockasta Aad Ka Tabaneyso Ee La Xariira Aqoon kororsigaaga

Ku Soo Dhawaada Ka Faa'iideysi Wacan

-----------------------------------------------------------------------------------------------------  

ACWW,

Waxaan ku bilaabayaa baraarujinta Jimcahan Magaca Allah iyo Saliga Udgoonow Nebi Mohamed NNK ha ahaato,Sida laga wariyay Suubanaha isaga oo tilmaamay Caloosha iney tahay hoyga cudur oo dhan, madaama wixii la cuno ama la cabo ay maraan oo ay tahay wershadii lagu shiidayay waxa la quuto oo dhan inta aysan u gudbin Xiidmaha, halkaa oo ay uga gudbaan dhiiga nafaqada jirku u baahan yahay, wixii ka harana ay ka baxaan futada, sidaa darteed Cudurada ugu badan ee haleela waxa ka mid ah mid afka qalaad lagu yiraah Dyspepsia ama Indigestion. Bukaanka soo booqda goobaha caafimaadka intooda badan waxa ay ka sheegtaan cudurkan ama mid si dadban ula xiriira.
 
Waxa isweydiin leh muxuu yahay Cudurkan maxaa lagu gartaa?
 
Waxa hubaal ah qof kasta oo inaga mid ah intuu nool yahay inuu ka sheegan cudurkan mar ama wax ka badan, calaamadaha lagu garto waxa ka mid ah: bog xanuun la dareemo ama danqasho aan badneyn, lalabo ama hunqaaco, dhawaaq fara badan oo laga maqlo caloosha iyo agagaarkeeda, daaco fara badan, sida badan waxa la arkaa, marka aad looga dhergo Cuno ay ku badan tahay Dufanka oo culus, ama wax la cuno habeenka gelinkiisa dambe kadibna la seexdo inta aysan cunadii kugu degin, sigaarka iyo khamriga oo la isticmaalo, ama guud ahaan markii hab nololeedka qofku ku saleysan yahay mid walaac iyo welwel badan leh.
 
Dadka qaarkood cudurkan wuxuu ku noqdaa mid joogta ah kadibna wuxuu wax u dhimaa caafimaadka iyo habka noloshooda, waxey si joogta ah u dawarsadaan takhaatiirta iyo goobaha caafimaad, qaar ka mid ahna waxa ay kula taliyaan (cunadan ha cunin), (cabitaankan ha cabin), (dawadan ha qaadan) iyo wax kaloo ka sii fara badan, qofka waxa ku dhaca wareer, waxa laga yaabaa iney ka lunto kalsoonida uu ku qabo takhaatiirta, kadibna wuxuu raadshaa wax u bedela takhaatiirta, waxa laga yaabaa inuu gacanta ugu dhoco kuwo dantooda ay tahay lacag uruurin ee aan Allah ka baqeyn dabadeedna kula taliya wax aad halis u gelin kara caafimaadkiisa guud ama naftiisa.
 
Calaamadaha lagu garto Cudurka (Indigestion) waxa ka mid ah kuwa aan kor ku tilmaamay oo ay dheertahay hawo badan oo Uur ku jirka laga dareemo, dibiro marka wax yar oo cuno ah la quuto inta aan la dhergin. Waxa dhici karta calaamadahan oo dhan iney tilmaan u yihiin Cudur ka khatarsan midkan aan ka hadlayo, sidaa darteed waxa loo baahan yahay marka si joogta ah aad isugu aragto wax ka mid ah kuwa aan tilmaamay si deg deg ah ula tashato takhtar aad ku kalsoon tahay si loo baaro caafimaadkaaga, gaar ahaan ka digtoonow marka aad ku aragto saxaradaada Dhiig ama aad hunqaacdo Dhiig, Dhiiga oo midabkiisa uu noqon karo (Guduud) ama (Madow) hadba halka uu ka soo bilowday.
 
Cudurada ku hoos gaban kara midka aan ka hadlayo (DYSPEPSIA) waxa ka mid ah kuwa loo yaqaan:  GERD (Laab Jeex fara badan) Peptic Ulcer Disease (boogaha Caloosha) oo noqon kara marar badan Kansarka Caloosha ama midka Pancreas ka, hurgunka Pancreas ka (Pancreatitis), Cudurada Xameetida oo ay noqon karto hurgun ama dhagaxa ku beerma Xameetida, Irritable Bowel Syndrome (Xiidmaha Casabiga loo yaqaan), weliba intaa waxa ka daran iyada oo ay noqon karto Xanuun kaa haya Wadnaha sida (Angina ama Heart Attack).
 
Marka aad u tagto takhtarka si loo ogaado waxa ku haya waa in la sameeyo dhowr baaritaan oo ay ka mid yihiin: Barium Swallow, Upper Gastrointestinal Endoscopy, ama Computed Tomography (CT Scan).
 
Sidee loo daweeyaa ama Looga hortagaa Cudurkan?
Ugu horeynta ka fogow cunada dufanka badan ama bisbaaska badan leh oo kugu kicin kara waxyeelada cudurkan.
Ka digtoonow wixii fududeyn kara in cudurkan waxyeeladiisa ay ku taabato, sida inaad cuno fara badan cunto ama dufan xaddhaaf ah ku jirto, ama aad wax cunto habeenka gelinkiisa dambe adiga oo doonaya inaad seexato, iska dhowr inaad si deg deg ku jirto u liqdo cuntada adiga oo aan si wanaagsan u calalin.
Iskadaa sigaarka iyo khamriga hadii aad isticmaasho.
Missanka jirkaaga ku dadaal inuusan xad dhaaf noqon, hadii aad buuran tahay ku dadaal inaad dhinto culeyskaaga.
 
Ku dadaal inaad sameysid dhaq dhaqaaq maalmaha Usbuuca inteeda badan ugu yaraan 30 daqiiqo midaa oo wax  ka  tari in misaanka jirkaaga hoos u dhoco, iyo stresska nolol maalmeedka ama guud ahaan caafimaadka jirkaaga.
 
Had iyo goor fuli oo yeel wixii uu kugula taliyo takhtarkaaga, dawada uu kuu qoro si joogta ah u isticmaal iyo mudada uu kugula taliyay, kuwaa oo kala noqon kara sidatan: Anti Acids, Anti Histamine-2 receptor blockers, iyo Motility drugs, waxa kaloo dhici karta in dawooyin kale loo baahdo in laguu qoro hadba cudurka ku hoos daahsan waxa uu yahay ama waxyeelada ku haysa inta ay dhantahay.
 
Guud ahaan xusuusnow in Dyspepsia ama Indigestion , aysan aheyn cudur iskii u madax banaan ee uu yahay Calaamad ka mid ah kuwa lagu garto in calooshaada aysan u shaqeyneyn sidii la rabay ama Allah ugu tala galay, sidaa darteed ka fogow wixii sahli kara in calooshaada waxyeelo ku timaado ama caafimaadkaaga wax u dhimi kara, ka fogow Khamrga iyo sigaarka oo ah hoyga cuduro fara badan ee jirka waxyeelo u geysta, midaa oo ay dheertahay in Allah Xaaraan ka dhiga labadaba.