Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ninka Ugu Caansan Ciyaartoyda Ingiriiska Kooxda Chelsea Oo Guursaday Gabar Soomaali Ah

Friday - October 16, 2009

LONDON: Ciyaaryahanka u dhashay dalka Ivory Cost ee weerarka uga ciyaara Kooxda Chelsea oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn ee dalka Ingiriiska kana mid ah kooxaha caalamka ugu khatarsan Mr.Salomon Kalou ayaa la sheegay inuu qabo Gabar Soomaali oo degan Magaalada London.

Gabadha Soomaalida ayaa lagu magacaabaa Najax, waxaana ay xayeysiisaa dharka Fashion-ka, iyadoo saxaafada Britain ay aad u hadal heyso arrintan oo ah mid warbaahinta ay si weyn uga faalonayeen.

Ciyaaryahan Kalou ayaa horay uga cabanayay waqtiga uu heysta ee nasashada isagoo Hooyadiisa ay korineyso ilaa 8-caruur ah oo ay u badan yihiin Gabdho, waxaana la sheegay inuu jecel yahay cuntada ay kariso Hooyadiis.

Salomon Kalou ayaa hela waqti kooban oo uu kula kulmo saaxibtiis soomaalida ah, waxaana laftigeeda ciriiri gala waqtiyada qaar ee ay la kulanto gacaliyaheeda, waxaana iyada lafahaanteeda ka cabataa waqtiyada ay ku jirto howlaha xayeysiinta dharka.

Kooxda Chelsea oo ka dhisan Magaalada London ee dalka Britain ayaa waxaa u ciyaara ciyaaryahano waa weyn oo caalamka caanka ah, kuwaasoo lacago fara badan lagu soo iibsaday, waxaana Kooxda haatan tahay mid hogaanka u heysa Horyaalka Ingiriiska ee EPL.