Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Mucjiso Lala Yaabay... Wiil 9 Bilood Jira Oo Korkiisa Lagu Xardhay Aayado Qur'aana

Sunday - October 18, 2009

Moosko-Tuulo yar oo lagu magacaabo Krasnow kuna taalla Gobolka Dagestan ee Dalka Ruushka, ayaa ilmo yar oo 9 Bilood Jir ah oo ku Nool Tuuladaas lagu Arkay Calaamado Mucjiso ah oo ay ka mid yihiin Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiith oo Maqaarka ilmaha yar ku yaalla mararka qaarna ay qarsoomayaan.

Hooyada dhashey ilmahaa yar ayaa sheegtay in Cunugeeda markii uu dhashey wax yar ka dib Afkiisa lagu arkey Nabar dhiigaya ka dib markii uu Nabarkaa baaba’ayna Booskii uu Nabarkaasi ku yiillay lagu arkey Kalimada ALLAAH waxey Hooyadu sidoo kale sheegtey in Maalmaha Isniinta & khamiista ah Kalimadda“ALLAAH” lagu arko Jirka Cunnugeeda, Xilligaasna heerkulkiisu uu gaaro 40 Darajo, Oohin & Qeylana aanu kala joojineynin Cunugeedu markaa, Kallimmaddaasna ay ku oolleyso intii 3 Maalin ah, Kadibna ay qarsoomeyso, Oo booskiina Qoraalo kale lagu arkayo.

Labadan Waalid ee dhaley ilmahan yar, Ayaan Arrintan Mucjisada ah ee ay Cunugooda ku arkeen shaacinin illaa markii danbe ay Maqaarka Cunnugooda yar ku arkeen(SANURIIHIM AAYAATUNAA)OO MAHCNAHEEDU YAHAY(WAANU TUSEYNAA Aayadaheena) Hooyada ilmaha yar dhashey waxey sheegtay in Wiilkeeda oo lagu Magacaabo Cali uu yahey ilmaha labaad ee Qoyska, Gabadha ka weyn ee Walaashiis ahna aanan Mucjisadan oo kale lagu Arkin.