Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ayaan Xirsi Afkeeda Ixsaan li'i U Uro Oo Haddana Weli Sidi Dameeraha U Si Banaaxineysa

Monday - October 19, 2009

Washington- Ayaan Xirsi Cali Magan oo ah gabar Soomaali ah oo ku dhalatay Somalia kadibna wadamada reer galbedka ku kortay ayaa mudo 5 sano ah ahayd mid dhuumaalaysi ku jirta iyadoona ay baadi goobayaan muslimiin badan Oo ka careysan aflagaadada Ay u geeysato diinta islaamka iyo ummadahooda ku kala nool caalamka .

Ayaan oo ka dhalatay reer caan ku ah muslinimada ayaa ku tilmaantay diinta islaamka in ay tahay mid cadaadisa dumarka oo aan wax xuquuq ah siin.

Waxaana hadalada aflagaadad ku ah diinta islaamka ay ayaan u diiday in ay ku noolaato nolol amaan leh, iyadoona habeen iyo maalin farta ku haysa xiliga ay sabab san-lahayd gacanta rag muslimiin ah oo balan ku galay in ay dilayaan gabadhaas ... Ayaan Xirsi Magan si kastaba reer galbeedku anfac iyo udug ugu sooryeyaan haddana afkeeda waxuu u uraa si ixsaan li'i ah ileen waa af maalin walba ay ku aflagaadeyneyso khaaliqa abuuray iyo nabigiisa subane maxamed SCW...  sida la xusay Ayaan haddi ay shanqar yar maqasho waxay durbaba qaada salal iyadoo wacitaankeeda booliska iyo amnigeeda gaarka khaatiyaan ka joogaan. 

Waxaa horay loo dilay nin ay Ayan la sameeysay filin lagu aflagaadaynayo diinta islaamka oo lagu magacaabo Theo van Gogh kaasoo ay Ayan u ahayd gacan yare,waxaana wixii ka dambeeyay dilka ninkaas ay Ayan Xirsi Cali ku nooleed nolol baqdin leh iyadoona samaysatay waardi-yayaal meel kastoo ay tagto.

Ayaan ayaa 2006 ay baarlamanka Netherland kasoo saareen joogitaankeeda wadanka Holland iyadoona laga masaa furiyay wadankasi ,waxaana mudo iyadoo heehaabaysa oo magangaliya doon ah ayaa markii dambe dowlada maraykanka u ogolaatay wadankaasi in ay kasiiso magangalyo.

Ayaan oo hada joogta maraykanka ayaa ka hadashay safar ay xoghayaha arimaha dibada Maraykanka ku tagtay qaarada Afrika,iyadoona sheegatay in ay ku faraxdo marka ay Maqasho in xubna ka tirsan dowlada Maraykanka ay tagaan Somalia.

Waxaa ay Ayaan ku tilmaantay in ay Afrika joogaan dad ay ku tilmaantay Wahabi, iyadoona gaar ahaan ka hadlaysa wadamada muslinka ah ee qaarada Afrika Gaar ahaan Somalia.