Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Jeneraalki Luqun-Taag ONLF Ee Buntukha Iyo Rasaasta Boobaha La Ordi Jiray Oo Xabashi U Qoor Dhiibtay

Tuesday - October 20, 2009

Nairobi : Dhamaan Wixi Dhalaala Dheeman Ma Aha .... Hogaamiye sare oo ka tirsan Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta gudaha Wadanka Itoobiya ayaa lagu soo waramaaya in u isku dhiibay Dowlada Wadanka Itoobiya.

Wakaalada Wararka ee AFP oo soo xigatay Masuuliyin ka tirsan Dowlada Itoobiya ayaa ku warantay in nin lagu magacaabo Cabdi Maxamed Aw Xassan oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Jabhadda u maalinimada sabtida isu soo dhiibay Ciidamada Dowlada Itoobiya.

Masuul ka tirsan Milateriga Itoobiya oo diiday in u magaciisa Saxaafada ka sheego ayaa Wakaalada AFP u sheegay in Hogaamiyahas ay ka soo qabteen Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya isagoo oo sheegay in u watay waxyaabha qarxa.

Masuulka ayaa hadalkiisa ku daray in sababta keentay inu isu soo dhiibo ay tahay in u diiday in u ka qayb qaato howlgal ay sii wadajir u wada fulin lahaayeen Kooxaha Al-Shabaab,ONLF iyo weliba Xukumada Eritrea oo ay ka samayn lahaayeen gudaha Wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya,waa sida u hadalka u dhigay.

Cabdi Maxamed Aw Xassan waxaa u madax ka ahaa isla markaana ahaa Taliyaha Milateriga ONLF ee degaanada Wardheer iyo Qoraxay ee Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa iyaduna sheegtay in ay ku soo guuleystay in degaanadaas ay ka soo qabato rasaas ay tankeedu gaarayaan 7,000 iyo waxyaabo kale oo Chemical ah.

Jabhada ONLF ayaa waxaa ay hore u diiday in ay xirrir la leedahay Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Wadanka Soomaaliya.