Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

China Oo Talo Ku Gaartay In Muunadihi Taarikheed Ee Gumeeysigu Ka Dhacay 150 Sano Ka Hor Dib U Soo..

Wednesday - October 21, 2009

Beenjin: Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in ay khubaro ka kala imaanaya qaaradaha Yurub, Maraykanka iyo Asia ay u dirayso sidii ay usoo baari lahaayeen hanti qaali ah oo mudo 150 sano ka hor dowlada wadankaasi ka luntay xiligii ay ciidamada Britishka iyo Faransiisku gumaysanayeen wadankaasi.

Waxaana ay khuburada shiinaha ee daba galka ku haya hantidaasi la sheegay in la xaday ay ku warameen tira ahaan hantidaasi in ay dhan tahay 1.5 million oo xabo,taasoo laga xaday Qasriga Seyfi ee ku yaal caasimada Shiinaha ee Beijing.

Waxaana ay dowlada Shiinaha ay bilowday sanadadii ugu dambeeysay in ay baadi goob u gasho hantidii 150 sano ka hor dowladaasi laga xaday xili ay ku jirtay gumaysi ay dowladaha Faransiiska iyo Britishku ku hayeen dhulweynaha Shiinaha.

Dowlada Shiinuhu waxaa ay baaritaanka Hantidaasi u xil saartay nin horay uga tirsanaan jiray Qasriga laga xaday hantidaasi oo taariikh ahaan u haya qaabkii iyo tiradii hantidii taalay qasrigaas ka hor inta aan lagu kala cararin qabsashada ay gumaystayaasha Faransiiska iyo Britishku qabsadeen wadankaasi.

waxaana kooxda ugu horaysi ee loo dirayo baadi goobka hantidaas ay tagayaan wadanka Maraykanka oo ay Matxafyada Taariikhiga ah ee wadankaasi ay ka baarayaan wax hantidaasi raadku leh oo yaal matxafyadaas.

kooxda labaadna waxa loo dirayaa qaarada Yurub oo iyana wadamada qaaradaas ka baadi goobaya wax asal ahaan lagu xiriirinkaro hantidaas oo mudo 150 sano kahor laga xaday Qasri ku yaal wadankaasi Shiinaha sida ay sheegeen dowlada wadankaasi Shiinaha.