Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Caalim Al-Digtoor Sh.Shuceyb Oo Waano Iyo Wacdi Wixi Alle Baray Kaa Haqabtiraya...Casharkisi Taxnaa

Thursday - October 22, 2009

Daar burburtay waa la dhisaa, damiir burburay baa adag ... waxaan halkaan idin ku soo bandhigeynaa casharkii jimcaha taxanaha ahaa ee waqtigiisi qaaliga u huray fadiilat al-digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa caalim daaci ku ah wixii alle baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad kaa haqabtiraya  ... Casharkiisu waa ereyo suntaya wanaaga ku xardhan dahab kuna qotama aqoon iyo garaad sareeya ... waxaa diinteena ku sugnaaday in Raxiimka ina abuuray habeen kasta adoomadiisa naxariistiisa una fidiyo in cid u baahan dambi dhaaf oo loo dambi dhaafo jirto ama wax weydiisaneysa oo laga aqbalo ... ilaahow naga dhig kuwa kalinimadaada rumeeyey, adigaa wixii Aad tiraahdo taabo galiya taaduna noqone Janno fardoosa, ubad wacan, Oori wacan iyo gudoon wacan adigu na sii .... Eebo adaa tiirsamaad mudane ha na tuurin. 

Marxaba gudoon wacan ku soo dhawaada Ereyada Shiikha iyo ka faaiideysi wacan: 

               -----------------------------------------------------------------------------------------------------------------

ACWW

Waxaan ku bilaabayaa baraarujinta jimcaha ugu horeynta magaca Allah iyo Saliga udgoonow Nebi  Maxamed NNK ha ahaato, Qofka muslimka ah ee Allah ku maneystay nimcada islaamka iyo imanka markuu ka baxo xilli khayr badan waxuu u gudbaa mid kaloo Allah fadligii la mid ah dhanka cibaadada, ama mid kasii ajar iyo abaal marin badan, waxaan kasoo baxnay dhawaan bishii barakeysneyd ee Ramadan, waxaan uga gudubnay lixdii maalmood ee nala faray inaan soono bisha barakeysan ee Shawaal, waxa fooda hada nagu soo haya bishii barakada badneyd ee Dhul Xijja, waa wakhtiga dadka muslimka ah meel kasta oo ay joogaan marka ay xaj niyeystaan safar ugu kacaan dhulka barakeysan ee Makkah iyo dalka Saudi Arabia. Mowsimka Xajka sanadkan 1430 Hijra, dowlada dalka Saudi Arabia waxey soo saartay talooyin ay kula talineyso dadka Xujeyda ah ee dalkeeda socdaal ku imanaya ay kula talineyso, kadib markii ay soo shaac baxday khatar ku saabsan cudur aad la isu qaadsiiyo halisna ah, cudurkan oo hada loo yaqaan AH1N1, hadii Allah raali ka noqdo waxaan kaga hadli doonaa maqaalka Jimcaha dambe hadii nolol aan ku gaaro, sidoo kale waxaan ka hadli doonaa waxa looga baahan yahay qofka Xaajiga ah inta uusan u kicin Saudi Arabia si uu u guto Xajka sanadkan 1430 hijra. Jimcahan waxaan markale door biday inaan wax ka iraah guud ahaan marka safar la damco waxa loo baahan yahay in la ogaado inta aan socdaal la noqon.
Qof kasta oo inaga mid ah intuu nool yahay waxaan shaki laheyn ugu yaraan mar ama wax ka badan inuu safar gelayo. Marka qof safar yahay waxa ku iman kara dhacdooyin, intooda badan laga hortegi karo ama laga tabaabusheysan karo. Dhacdooyinkaa, waxa inta badan ay u dhacaan taxadar iyo feejig la’aan ka timaada qofka safarka ah. Marmarka qaarkood, waxey keenaan geeri ama waxey sabab u noqdaan dhaawac halis ah oo qofka curyaamiya, sidaa darteed, waxa mudan in la isxasuusiyo in qadar oo dhan Allah gacantiisa ku dambeyso, hase yeeshee, dadaal in lala yimaado waa lagama maarmaan. 

Arintan waxaad moodaa in qofka muslimka ah ee Allah rumeeyay oo aaminsan wixii Allah qoray inaan la gefeyn ay culeys ku noqoto iney ka daadegto, sidaa darteed, waxa mudan in la is xasuusiyo in Rabbi na faray dadaal qof walba laga doonayo inuu la yimaado marka uu u dhaqaaqo howl inuu fuliyo, waxa waajib ku ah qofkii damca safar, si wanaagsan inuu uga baaraandego siduu ugu  gudbi lahaa hadii wax dhibaato ah soo foodsaarto intuu socdaalka yahay.

Tusaale ahaan usoo qaado xadiiska laga soo wariyay Subanaha (SWCW), ee oranaya: “Hadii tuulo Furuq ka koco, midka tuulada degan yuusan ka bixin, kii u socdayna yuusan gelin.”  Halkan waxa ka cad, qof walba inkastoo wakhtigii loo qoray geeri uusan gefeyn, hadana lama baneyn inaad naftaada halaagto oo mixno aad u jeedo u horseedo. Arintan Suubanaha (N.N.K. ha ahaato) uu timaamay 14 qarni ka hor, dhawaan waxa xaqiijiyey aqoonyahano casri ah oo ku xeel dheer aqoonta caafimaadka, waxey cadeysay sida loogu baahan yahay in lala yimaado dadaal  mar walba oo aad howl u dhaqaaqdo taladana Allah aad saarato. Sida la ogsoon yahay, marka safar niyada la gesho qofku wuxuu jecel yahay in socdaalkaa noqdo mid si fudud lagu guto wax dhibaato ahna lagala kulmin, waliba waxa intaa dheer hadii safarku ahaa mid loogu tala galay tamashle iyo dalxiis, qofku wuxuu jecel yahay inuu aad ugu raaxeysto sidaa darteed waxa dhici karta in lafududeysto ama la iska indha tiro inta awoodada la’egtahay, kadibna waxa lala yimaadaa wax khatar gelin kara caafimaadka ama nafta. Waxa loo baahan yahay, qofka safarka ah marna inuusan ilaawin inta tayadiisa gaarto, gaar ahaan dadka isticmaala khamriga iyo wixii kaloo la mid ah ee maanka dooriya, ineysan isu geyn Khamri la cabo iyo howlaha la qabto ee u baahan in qofka miirkiisu kaamil yahay, sida gaari la kaxeeyo ama dabaal iyo wixii kaloo la mid ah. Tayada khamriga, way korodhaa, marka lagu cabo dal buuraley ah, ama jawiga iyo Cadceeda marka ay kulushahay, sidoo kale, qofka khamriga caba, waxa looga baahan yahay, hadii uu joogo wadan jawigu aad u kulul yahay, in jirkiisu ay ku dhici karto biyo beel (Dehydration).

Cuduro badan, oo u gaar ah safarka ayaa jira, waxa loo baahan yahay, si gaar ah in looga taxadaro sidii looga hortegi lahaa, inta aan safar loo kicin. Hadii aad safar ku gaarto waqooyiga Mareykanka, waqooyiga Yurub ama Australia, khatarta inaad qaado cudurada la isqaadsiiyo (Infectious Diseases), ama kuwa qofka ku dhex nool (Parassitic Diseases), oo nafaqada iyo dhiiga la wadaaga qofka bukaanka ah, aad bay u yartahay, Inkastoo beryahan ay soo korodha khatarta Influenza AH1N1 kuna shaacay aduunka oo dhan, cudurkan oo sida la sheegay markii hore ka bilowday dalka Meksiko, waxa lagama maarmaan ah inaad iska tilaasho cudurka la yiraah Teetano (Tetanous), dal kasta ee aad safar ku gaarto.

Hadii safar aad u aado dalalka kale ee ay ka mid yihiin kuwa la isku yiraah aduunka sadexaad oo ay ka mid yihiin dhamaan dalalka Afrika, Asia, koonfurta iyo bartamaha qaarada Mareykanka, iyo Karibiyanka (Carebean), waxa lagaaga baahan yahay, in si gaar ah, aad ugu tabaabusheysato si aad isaga dhowrtid inaad qaado cudurada guud ahaan ka yimaada nadaafo darida, ama qaniinyada cayayaanka yar-yar, kuwa oo ay ka mid yihiin :

Cudurka Kaneecada (Malaria), iyo midka beerka hurgumiya ee loo yaqaan Cagarshow (Hepatitis), labadan cudur waa kuwo aad halis u ah inta badana laga hortegi karo hadii aad aqoon u leedahay habka looga gaashaanto.

Marwalba, ee aad go’aansato safar inaad u kacdo, la tasho takhtarkaaga si uu kaaga caawiyo arimaha caafimaadka ku saabsan ee dalka aad socdaalka ku tahay. Ogow, in Shuban (Diarrhoea) ama Qoraxda oo aad kuu gubta (Sun Burn), ay yihiin waxa ugu yar ee safarkaaga dib u dhigi kara . Ka taxadar inaad caruurtaada siiso, dawada shubanka adiga oo aan marka hore la kaashan takhtar, dawada shubanka, oo inta badan lagaa gadayo adiga oo aan takhtar warqad kala iman.

Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO), waxa uu si rasmi ah shaaca uga qaaday in dalal ka badan boqol iyo lixdan, laga helay bukaan qaba cudurka ku shaac baxay AIDS (Kululeeye) ama (Aquired Immuno Deficiency Syndrome) iyo HIV (Human Immuno-deficiency Virus), sidaa darteed, markaad damacdo safar, in aad ku gaarto dal ka mid ah dalalkaa, waxa lagaa doonaya taxadar gaar ah, in aad la timaado, si aad uga nabad gasho cudurkan khatarta ah, kana mid ah cudurada la isqaadsiiyo midka hada ugu cabsida badan. Dalal ay ka mid yihiin Saudi Arabia iyo kuwo kaloo fara badan dadkuna u shaqo raadsado, gaar ahaan Soomalida waxa shardi ah si loo siiyo fasax ay ku galaan, in qofku iska baaro oo uu la yimaado warqad cadeyneysa inuusan qabin Kululeeye, ama Cagaarshow. Hadii aad tahay, qof dawo isticmaala, xanuun aad qabto darteed, had iyo jeer, waxa wanaagsan inaad qaadato dawo ka badan inta aad isleedahay way kugu filan tahay, waxa dhici kara in aad ku hakato muddo ka badan intii aad horay ugu tala gashay, dalka aad socdaalka ku tahay.

Sidoo kale iska hubi in dawada aad dooneyso in aad qaadato aysan ka reebaneyn dalka aad ku socoto maxaa yeelay waxa dhici karta dawooyin dalka aad degan tahay Sida Canada ama Yurub ama Mareykanka  laga ogol yahay iney ka reeban tahay dalka aad safarka ku tahay. Hadii xaaskaaga oo uur leh, ama guud ahaan haween kula safreysa ay uur leedahay, ama qof dumar ah oo uur leh ay safar damacdo keligeed, waxa suurowda wadamo qaarkood iney ka saamaxaan kuwo ka mid ah talaalada caadi ahaanta la isaga doonayo in la is tilaalo safarkaaga ka hor, sidaa darteed inta aadan is tilaalin iska hubi xeerka dalka aad safarka ku tahay.

Ugu dambeynta waxa mudan inaan idin xusuusiyo inuu jiro Safar aan laheyn soo noqosho, una baahan in si wanaagsan loogu diyaar garoobo ama sahay wanaagsan la qaato, safarkaa ma aha mid adiga aad dooneyso inaad u kacdo ama aad ogoshahay markuu kedis kuugu yimaad, hase yeeshee waa mid si lama filaan ah ugu iman kara qofkasta oo inaga mid ah marka wakhtigiisa la gaaro dib u dhigid ama kaadin ma laha ee yaan la moogaan, sidii dadka heesa ay yiraaheen "Safar baa la tegayaa iyo Socosho Dheer ina  wada sugaaya"