Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Guuldaro Ka Dhacday Dunida Guudkeeda Marki iibsiga Xubnaha Jirka Danyarta U Noqday Mashruuc Mug Weyn

Friday - October 23, 2009

Guuldaro Iyo hoog baa dunida guudkeeda maanta ka dhacday markii mashruuc mug weyn laga dhigtay iibsiga xubaha jirka bini’aadamka gaar ahaan danyarta iyo agoonta .. dunida arintaa waxay ka marayaa meeshii ugu sareysay iyadoo xubnaha kuwooda ugu qaalisan ay iminka noqdeen Kelyaha waxaana arintaasi lagu tilmaamay qiimaha la kala siisto xubnaha jirka bini’aamka in uu ku kala duwan yahay dalalka caalamka.

Hay’ada Caafimaadka aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO waxay sheegtey 5% oo u dhiganta 70 kun oo xubnaha jirka bini’aadamka in lagu kala gatey suuq madow iyadoo sidoo kale ay kordheen kumanaanka kun ee qof baadi goobaya iibsiga xubno jir bini’aadam oo iyaga ay ka haleeleen cuduro kala duwan.

Dalka Mareykanka waxaa baadi goob iyo raadin ugu jira noocyada kala duwan ee xubnaha muhiimka ah ee jirka bini’aadamka dad lagu sheegay tiradoodu inay ka badan tahay 100 kun oo qof halka UK ay fayl ku jiraan 8 kun oo qof ...  Faransiiska waxaa toosh afar qaad ah ku raadinaya xubnahaasi jirka 5 kun oo qof waxaana 10-kii sano ee ugu dambeysay sii kordhaya dalabaadka iyo baadi goobka xubnaha muhiimka ee jirka aadanaha.

Wadamada dunida ugu badan ee sida joogtada ah ee sida tusbax afka laga furay xubnaha jirka bini’aadamka loogu kala gato suuqa waxaa ugu horeeyea Brazil, Hindiya, Moldova, Romania iyo Filibiin, sidoo kale bariga dhexe waxaa ugu badan Turkiga, Masar, waxaase hada suuqa kala iibsiga xubnaha jirka bini’aadamka soo galay dalalka Ciraaq iyo Falastiin.

Cilmi baare Nancy Scheper-Hughes oo ka tirsan Jaamacada University of California, Berkeley, waxay socdaal ku tagey wadanka Turkiga waxayna sheegtey inay doonayso inay iska iibiso Keli caafimaad qabta iyadoo ku jirtey baaritaan amuurahaasi ku aadan waxaana loo sheegay in laga siisan doono in ka badan 2 kun oo Euro oo ku dhaw 3 kun oo doolar.

Magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq haatan halkii xabo oo keli ah waxaa lagu kala gadanayaa lacag ku dhaw 15 kun oo doolar, halka wadanka Vietnam lagu kala baayacanayo 3500 oo doolar, dalka Masar 3200 oo doolar laakiin qiimo jaban oo aan ka badneyn kun doolar ayaad kaga heli kartaa keli caafimaad qabta wadanka Hindiya.

Suuqyada kala iibsiga xubnaha muhiimka ah ee jirka bini’aadamka waxaa hada ku soo biiray wadanka Kuwait hadii aad tahay qof u dhashay wadankaasi kelidaada waxaa laga gadayaa 1000 dirhan oo lacagta dalkaasi ah una dhiganta 3 kun oo doolar, hadiise aad tahay ajanabi 800 oo dirham ayaa jeebka lagaaga baar baarayaa.

Qof ka mid ah dadka baaritaanka arintan ku sameeyey ayaa sheegay in maalin isagoo dhexmaraya bartamaha magaalada Kuwait uu ku arkay ogeysiis meel suran oo lagu beecinayo keliy isla markaana telefoon ku qoran yahay.
Qofkaasi oo ka gaabsadey in magaciisa saxaafada laga sheego wuxuu xusey in uu wacay telefoonkii, isla markaana qiimaha kelidaasi loogu sheegay 1000 dirhan, balse isagu uu gaaray lacagtaasi barkeed iyadoo qofkaasi uu diiday lacagtaasi.