Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Is Xayd-Xaydki Xooga Dawlada Shiinaha Oo Ka Door Biday Iney Markabkooda Ku Soo Furtaan Is-afgarasho

Wednesday - October 28, 2009

Dowlada Wadanka Shiinaha ayaa waxaa isu diyaarinaysa in ay lacago madaxfurasho ah siiso Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee haysta Markabka Shiineeska.

Xogheyaha Shirkada iska leh Markabka lagu magacaabo De Xin Hai Zhang Zuyue ayaa sheegay maanta in Shirkada iska leh Markabka iyo weliba Dowlada Wadankaas ay isaga kaashanaayan in ay lacago madaxfurasho ah siiyaan Kooxda Burcad Badeeda ee haysta Markabka.

" Wada hadalo lala galay Burcad Badeeda ayaa sababtay in aan go’aansano in aan siino lacago madaxfurasho ah sii aan u badbaadino muwaadininteena" ayuu yiri.

Xogheyaha Shirkadaas ayaa hadalkiisa ku daray in arintaas ay ka dambaysay ka dib markii ay ehelada Shaqaalaha saaran Markabka ay Dowlada Shiinaha ka codsadeen ayna ugu baaqeen in aysan Markabka xoog ku soo furanin.

Sidoo kale u sheegay in Kooxda Burcad Badeeda ay go’aansatay ayna dalbadeen lacago madaxfurasho ah oo ay ku sii deynayso Markabka.