Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Casharkisi Taxnaa..Caalim Al-digtoor Sh. Shuceyb Oo Waano Iyo Wacdi Wixii Alle Baray Kaa Haqabtiraya

Thursday - October 29, 2009

Daar burburtay waa la dhisaa, damiir burburay baa adag ... waxaan halkaan idin ku soo bandhigeynaa casharkii jimcaha taxanaha ahaa ee waqtigiisi qaaliga u huray fadiilat al-digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa caalim daaci ku ah wixii alle baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad kaa haqabtiraya  ... Casharkiisu waa ereyo suntaya wanaaga ku xardhan dahab kuna qotama aqoon iyo garaad sareeya ... waxaa diinteena ku sugnaaday in Raxiimka ina abuuray habeen kasta adoomadiisa naxariistiisa una fidiyo in cid u baahan dambi dhaaf oo loo dambi dhaafo jirto ama wax weydiisaneysa oo laga aqbalo ... ilaahow naga dhig kuwa kalinimadaada rumeeyey, adigaa wixii Aad tiraahdo taabo galiya taaduna noqone Janno fardoosa, ubad wacan, Oori wacan iyo gudoon wacan adigu na sii .... Eebo adaa tiirsamaad mudane ha na tuurin.

Marxaba gudoon wacan ku soo dhawaada Ereyada Shiikha iyo ka faaiideysi wacan:

 

   -----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
 
SCWW

Waxaan ku bilaabayaa baraarujinta jimcaha magaca Allah iyo Saliga Nebi Maxamed NNK ha ahaato,  mar hadii ay fooda kusoo hayso dadka muslimka ah ee ku kala nool dunida dacaladeeda xilli ka mid ah xilliyada khayrka badan ee Allah ku maneystay adoomadiisa si dembi dhaaf uu ugu fidiyo marka ay ka towbad keenaan wixii xumaan ah horay ay u faleen, sidii suubanaha Maxamed NNK ha ahaato noo sheegay " Qofkii la aqbalo Xajkiisa wuxuu noqon sidii markii ay hoyadii dhashay oo wixii dembi ah ee horay uu u galay waa laga cafin" sidoo kale wuxuu noo sheegay "Qofkii Xajkiisa la aqbalo abaal marintiisa waa Jannada", isla markaana sanadkan lagu jiro 2009 bilowgiisa soo shaac baxay cudur aad la isu qaadsiiyo oo halis ah, cudurkan oo hada loo yaqaan AH1N1, Xukumada dalka Saudi Arabia waxey kusoo rogtay xujeyda sanadkan ku tala jira iney gutaan waajibka Xajka, dardaaran ku saabsan sidii looga hortegi lahaa ama loo yareen lahaa waxyeelada cudurka loo yaqaan (Dureyga Doofaarka), cudurkan oo ka mid ah cudurada aad u faafa oo si sahlan la isu qaadsiiyo, waa cudur waxyeelo balaaran u geysan kara qeybo ka mid ah bulshada oo si gaar ah ugu debecsan inuu dhib weyn u geysto ama geeri sabab u noqdo, kuwaa oo ay ka mid yihiin: Haweenka uurka leh, Caruurta da'dooda ka yartahay labo sano, dadka da'dooda ay ka sareyso 65 sano iyo bukaanka qaba cudurada raaga (Chronic Diseases) sida cudurka Sokorowga, Dhiig karka, Neefta, Curada Kelyaha iyo Beerka ama kuwa Wareega Dhiiga iyo Wadnaha ku dhaca, sidoo kale bukaanka qaba Kansarka iyo kuwa difaaca Jirkooda aad u hooseeyo guud ahaan, dhamaan waxey kula talisay wasaarada caafimaadka ee Saudi Arabia iney sanadkan xajkooda baajiyaan oo dib ugu dhigaan sanadada soo socda, dalal ay ka mid yihiin Marocco iyo Tunisia waxey go'aan ku gaareen iney xajka sanadka guud ahaan ka baajiyaan xujeyda ka imaneysay dalkooda.
 
Waxa su'aal mudan waa maxay cudurkan ama muxuu uga duwan yahay dureyga caadiga ah ee sannad walba lagu arko dunida, dawo ma leeyahay ama tilaal lagaga hortago?
 
Cudurkan waa cudur ku dhaca hawo-mareenka sare kadibna u daadega qeybaha hoose ee laga neefsado sida sambabada, midaa waxa dheer inuu leeyahay waxyeelo saameya jirka intiisa kale, bukaan qaarkood ay u geeriyoodaan, waxa keena firus loo yaqaan H1N1 oo ka kooban iskujir firuuska keena dureyga caadiga ah iyo midka shimbiraha iyo midka doofaarka, waa firuus si dhakhsi ay ku jirto isu bedela oo sameeya wax loo yaqaan (mutation), sidaa darteed si tilaal wax tar leh loogu helo ay dhib badan tahay, tilaalka hada la helay waa mid da'yar oo aan tijaabo badan lagu sameyn, wixii dhib dadban oo uu leeyahay lama oga, midaa waxey ku dhalisay cabsi fara badan dadka doonaya iney is tilaalaan si ay uga hortagaan inta cudurka uusan ku dhicin.
 
Dalal ay ka mid tahay Kanada waxey bilaabeen iney tilaalaan bukaanka aan kor ku tilmaamay, caruurta da'da yar, dadka waayeelka ah iyo dadka u adeega bukaanka sida takhaatiirta, kaaliyeyaasha caafimaad ama guud ahaan dadka ka shaqeeya caafiaadka bulshada si loo hakiyo faafida xad dhaafka ah ee lagu arkay cudurkan. Calaamadaha lagu garto wax badan kama duwana midka dureyga caadiga ah, qufac fara badan, dhuun xanuun, qandho badan iyo madax xanuun, hase yeeshee waxa u dheer in bukaanka ay tufaan dhiig iyo ducfi guud ee jirka, marka la ogaado inta uu bilow yahay waxa la siiyaa bukaanka dawada lagula dagaalo firusyada oo dhwr nooc ah sida mida loo yaqaan Tamiflu, waxey u badan tahay hadii bukaanka uusan horay u qabin xanuun ka mid ah kuwa aan horay u tilmaamay inu ka caafimaado oo ka bogsoodo cudurkan.
 
Guud ahaan dadweynaha waxa lagula taliyaa si ay isaga difaacaan in cudurkan ku dhoco in lagu dadaalo nadaafada guud ee jirka, markasta in la dhoqo gacmaha markii aad salaanto qof qaba duray, gacantana aad ka ilaaliso inaad ku taabato afka, sanka iyo indhaha, in la isticmaalo fasaleeti marka la qufaco kadibna aad ku tuurto meelaha loogu talagalay in wasakhda lagu uruuriyo, iyo in laga fogaado meelaha dadku ku badan yihiin.