Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Gaalkacyo Iyo Xaaladihi Ugu Dambeeyey

Friday - October 30, 2009

Gaalkacyo: Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay socdaan waanwaan iyo talo jilbaha loo laabto oo xiisadahaas dajiya ayna horboodayaan culimada magaalada iyo gaar ahaan waxgaradka labada dhinacba, waxaana odayaasha labada dhinac ay ila hadda ku guuleysteen iney dabraan hugugufta xabadaha laysku maansheeyey, lana dhigo gogol sama-talis ah oo aan eex ku jirin halkaasna lagu soo afjaro colaadi dilkii dhacay iyo diifti kala gaartay bulshadaas degaanka ku wada nool ... Qofna maanta ma rabo dakhar,hoog iyo daano gaarta oo waxaan la isku diideyn waa nabadu iney dantu tahay ayaa laga sheegay odayaashi Galmudug ee waan waanta waday.

Guurtida beesha Lelkase oo iyaga la sheegay iney is-maansheyntaas xabadaha uga dhinteen 3 wiil ayaan la sheegin odayaashooda waxa ay damacsanyihiin, koleyba kuma hindisaawayaan iney qiiq kale huriyaan iyo qorsho dagaal cusub laakiin wararka xoogiisa waxuu u badanyahay gar alle in ragi gardareysiga weerarka la yimi la keeno oo sheekadu gasho cadaalada.  

Dagaalkaan Oo markiisi hore ay soo qaadeen kooxo iyagu si gaar afka isu gashaday iney ka carqaladeyaan qorshaha dawlada hoose ee munishiipiyada kana soo jeeda dhinac galmudug ayaan odayaashooda iyo duubyadooda dignin si siin oo ma ahayn sida la xusay wax reeraha ay u wada dhamaayeen walow ay ogaayeen guuxa dadka boosaska laga burburinaayo, waana iska caadi sidi hore loo arki jiray in bulsha kasta ay ku dhex jiraan kooxo xumaanta ku baraarta, wanaagana ku balaloota, waa jiraan dad aan qadeyneyn maalintaan dhiig qubaneyn oo culimo kasta haddi loo tuunsho aan loo taag heleyn.  

Dagaalada oo bilowday laba casho ka hore ayaa geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kala garay labada dhinac, waxaana dhinaca Waqooyiga ee magaalada kaga dhintay dagaalkaasi, sida ay sheegayaan goobaha caafimaadka dad gaaraya 6 qof, halka ay ka dhaawacmeen dad ka badan 20 ruux, siday Saraakiisha Caafimaadku sheegayn.

Koonufurta magaalada ayaa wararka laga helayo ay sheegayaan in ay jiraan khasaare, isla markaasna ay dhinteen tiro aan sugneyn oo ah dhinicii soo qaaday dagaalka iyo dad shacab ah oo rasaastu haleeshay.