Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Abris Iyo Good Ayaa Oodaha Miranaya..Basarxumada Al-Shabab Oo Halis Ku Ah Cariga Puntland Iyo S/Land

Sunday - November 1, 2009

Aduunka waxa ka jira habab ay uga hortagaan khataraha soo food-saara sida masiibooyinka dabiiciga ah, argagaxisada, abaaraha iyo wixii la mida ... Aduunyada horumarka gaartay waxa ka jira in dawladuhu ay si aad u heer sarraysa u ilaashaan ammaanka shacabkooda iyaga oo adeegsanaya maaliyadooda iyo xirfado heer sarreeya ... Tiiyo intaasiba jirto hadana waxa wada shaqayn leh ama kaalin wayn ka ciyaara ammaanka shacabka oo gacan ka siiya hay’adaha ammaanka wax kasta oo khatar gelinkara ammaankooda guud ahaaneed iyo kooda gaar ahaaneedba, sida tuugada, dilka, boobka, kufsiga iyo wixii la halmaala.

Waxa jirta khatar aad iyo aad u halis ah oo ku soo foolleh ama dhib horay ugu gaysatay Maamulada Puntland iyo Somaliland , Dhibtani oo ka timi ama ka imankarta dhaqdhaqaaqa uruka Al-shayaadiin(Al-shabaab) oo ka geeystay Qaraxyadi ugu xumaa taariikhda cariga Soomaaliya ... Al-shabaab waxay Soomaaliya ku noqdeen cadaw mannaxaan ah oo halis ku haya naftooda, sharafkooda, qarannimadooda, amnigooda iyo ubadkoodaba ....  Nin Al-shabaaba ayaa laga soo wariyey " idinkaa damqanaye gobonimo iyo darajeyn dan kama lihin".

Waxaa goor dhowayd ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari Qarax nooca bamka ah kaas oo laga dareemay qaar ka mid ah xaafadaha u ka dhacay qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan meel isgoys ah oo xilliyadi habeenki ay isbaaro dhigtaan Ciidamada amaanka ee Bosaaso kuwaas oo baara gaadiidka ku goosheeya magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray laba qofood oo maraayay isla markaana ka aag dhowa goobta u qaraxu ka dhacay,iyadoo dadkaas dhaawaca ahaa loola cararay xarumaha Caafimaadka oo ay ku jirto Cisbitaalka weyn oo iminka lagula tacaalaayo dhaawacooda.

Ciidanka ku sugnayd isgoyska ayaa rasaas furey ka dib marki ay maqleen dhawaaqa qaraxa,waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne boqolaal ah kuwaas oo doonaayay in ay ogaadaan sidii ay wax u dhaceen.

Hore magaalada Bosaaso waxaa ka dhacay qaraxyo aad u xoogan oo ay ku waxyeeloobeen dad aad u tira badan oo shacab ah,waxaana ila iyo iminka aan jirin wax hadal ah oo ka soo yeeray maamulka Gobolka iyo degmada Bosaaso oo ku aadan qaraxa caawa dhacay.