Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Gudoomiyihi Goblka Burco Oo Taraq Ku Daaraya Gogoshiisa ... Xiso Ka Dhalatay Amar U ka Baxshay In...

Sunday - November 8, 2009

Burco: Maamulka Gobolka Togdheer ayaa ku amray odayaasha Magaalada Burco inay 48 Saac gudaheed ku soo dhiiban labo nin oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihin Kooxaha koonfurta Somaliya ka dagaalamaya Ee Al-Shabaab

Guddoomiyaha gobolka togdheer Jaamac C/laahi Biin ayaa shalay odayaasha magaalada Burco ugu baaqay in ay mudo laba cisho gacanta dawlada ku soo galiyaan laba wadaad oo ka tirsan culimada Burco, kuwaas oo kala ah Siciid Axmed Jaar oo ay ciidamada Booliska Burco hore ugu weerareen Masaajid uu ku Tuganayay iyo Aadan Axmed Caare oo isna ka tirsan culimada gobolkaasi, sida la xusay labadaas wadaad oo shacbiyad weyn ku leh bulshada burco dhexdeeda waxaa la sheegay in qabashooda mar hore loo mariwaayey maleshiyo xigtadiisa ah oo diiday in xabsiga loo taxaabo, waxaana suragal ah haddaan xal dhex dhexaad ah la helin ay halkaas ka dhalankarto qulqulaato aysan bulshada reer burco u baahneyn.

Dhinaca kale Sirdoonka itoobiyaanka ee ka jooga magaalada hargeysa ayaa iyagu qudhooda si aada u daneynaya qabashada wadaadadas, waxaana warku tilmaamaya iney sheekada wadaadadaas ula gurguurteen Madaxweyne Daahir Riyaalle oo isagu dhiniciisa cadaais ku saaray gudoomiyaha gobolka in la soo xiro labadaas wadaad ee tuhunku galay.

Waxaa kalo amuurta labadaas wadaad si cakiriyey kadib markii Boqor Buur-madow u si qarsoodi lahayn ku goodiyey in beelaha ay isku wada dayan-doonaan oo reerkasta ay ragooda ka horistaagi-doonaan qabashada poliska haddi dawladu aysan awoodeeda ku maquunin maleeshiyaadka cadeystay iney qabillnimo ku difaacaan wadadadaas la tuhmay.

Dabadeed Gudoomiyaha Togdheer ayaa isagoo fulinaaya awaamirtaas u ka helay madaxdiisa ayu ku dhex-sheegay shir balaaran oo uu shalay xaruntiisa kula qaatay qaybaha bulshada Burco oo ay ka soo qaybgaleen Boqolaal qof, kaas oo ay goob-joog ka ahaayeen gudida-nabadgelyada gobolkaasi,hasa ahaate shirkaas markii lagu soo kala dareeray waxaa magaalada ka dhashay buuq looga faalloonaya sida ay u dhicidoonto qabashada wadaadadaas oo ay ku gaadaamanyihiin rag beeshiisa ah oo ka go'an in aan la qaban.