Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Maxamed Cabdulle Oo U Dhintay Hadal Haweyney U Jeclaa Afkeeda ka Soo Baxay Oo Ah " Maya"

Monday - November 9, 2009

Nin u dhashay dalka Malaysia magaciisana la yiraahdo Maxamed Cabdulle ayaa shalay u dhintay  hadal haweenay uu jeclaa afkeeda ka soo baxay, kaas oo ahaa maya. Ninkan ayaa sida ay  faafisay wakaalada wararka ee dalka Malaysia ahaa wiil dhalinyaro ah, da’diisuna ay ahayd 21 jir, isla markaana ka mid ahaa ardayda wax ka barata jaamacada dalka Malaysia, waxaanu in sanado dhan ay is jeclaayeen gabadhaa ay culuumta sayniska ka wada baran jireen jaamacad ku taala magaalo madaxda dalkaas ee Kula Lampour.

Hadaba wiilkan ayaa si kediso ah u arkay gabadha ay is jeclaayeen waxaanu waydiiyay  caafimaadkeeda, intii aanay uba jawaabin ayuu hadana u celiyay waad iska fiican tahay saw maaha, balse hadalka ka soo baxay gacalisadiisa, ee ahaa su’aasha uu waydiiyay ayaa noqotay maya, waxaanu isla markii ay dhagihiisu maqleen erayga ah Maya ayaa waxa uu isla markiiba ku dhacay dhulka isaga oo aan naf dhulka ula dhicin.