Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

7 Jir Indho La'a Oo Dhagaha Wax Ka Arka

Tuesday - November 10, 2009

7 Jir reer London ah oo Indho la'a ayaa noqday Mucjiso cusub kadib markii la ogaaday inuu Dhagaha wax ka arko isagoo loo bixiyey naanays ah "Batboy".

Lucas Murray oo ku dhashay indho la'aanta ayaa la rumaysan yahay inuu yahay qofkii ugu horeeyey ee Ingiriis ah ee maskaxda ka cabira waxyaalaha ku xeersan.

si uu u garto waxyaalaha ku xeersan Lucas wuxu carabkiisa la dhaca halka sare ee afkiisa kadibna maqalka ayuu ku kala saara halka walxaha agagaarkiisa ka xigan.

Farsamadan Cajiibka ah ayaa u ogolaatay inuu Ciyaaro Kubada Kolay iyo inuu la ciyaaro caruurta kale ee lodkiisa ah,

"aad baan u jeclahay qaabkan aan isticmaalayo laakin runtii wax adag bay ahayd in la barto" sidaas wuxu u sheegay Lucaska yari Wargeyska the Sun ee kasoo baxa Ingiriiska.

" Waxaan Jecelahay Kubada Kolayga, waxaan isticmaali karaa Nidaamkan Aaan Carabka la dhacayo Dalqada sare si aan u ogaado meesha Goolku iga xigo si aan ugu tuuro Kubada"