Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Doqon Dib Bay Wax Ka Garata...Shiikh Shariif Oo U Taagan Jaqafyadiisi Inu Ka Gurto Madaxtooyada

Wednesday - November 11, 2009

Inta Hadal Duulo Haad Ma Duulo ... Warar aan aan ka soo xiganay ilo ku hawlan xogta Al-Shabaab ayaa noo sheegay in dhawaan magaalada mogdisho iyo gobolada ay ka bilaaban-doonaan hawlgalo ay fulindoonaan ciidanmada al-Shabaab oo dhawaan badankooda ka soo qalin jabiyey xerooyin tababaro in mudo ah ku soo qaadanayey  .

Waxaa kalo warku intaa raacinaya in ciidamada Al-Shabaab ay diyaarsadeen xoogag tiradooda la sheegay iney ka badanyihiin 20 kun oo isugu jira kuwa tababaro ku qaatay xaga farsamada qaraxyada miinada iyo kuwa iyaga si gaar ah loogu carbiyey dilka iyo afduubka cadawgooda, waxaana warku intaa ku daray in hawlgaladooda dagaal ay ku qorsheysantahay iney dalka oo dhan gaar ahaan konfurta Soomaaliya ku hantaan inta ay sanadkaan dhamaan.

Sida la xigteyna dawlada Shiikh Shariif oo warkaas si is daba jooga ku soo gar gaarayey waxaa ku dhashay walwal iyo cabsi weyn isagoo si gaar ah uga si shakisan in dawladiisa rag ka mid ah ay dhagrayaan hoosna kala haystaan madaxda Al-Shabaab oo cabsida jirta ay tahay iney wax ka hogaanshaan weerarada qaraxyada laga fulin-doono madaxtooyada oo halkaas lagu khaarajiyo madaxda qasriga ku sugan oo Shiikh Shariifka ka mid yahay.

Shiikh Shariif Oo Rag golahiisa war ka soo wariyeen waxay carabka ku dhufteen in madaxweynaha isagoo isku-buuqsan calaacalna la gocanaya u khadka is-gaarsiinta kula xariiray madax badan oo geeska Afrika gaar ahaan wasiir ka tirsan golaha itoobiya iyo madaxweyna Ugaandha Mr. Musevini waxaanu u sheegay in xaalada ay sidii hore ka badalantahay oo Shabaabku aysan maanta caano u kaban iney dalka faramarooqsadaan oo xitaa cagta cagta u saari-doonaan Ciidamada Amisom, mana ii muuqato ayuu yiri kuwa buntukh caadi ah lagu waabinkaro hadaan loo helin ciidamo,  sayruukhyo dhaadheer iyo gantaalo xambaarsan sun iyo waabaayo ay ku haftaan... mar ay weydiiyeen waxa u ku cadeynayo in dalka ay qabsanayaan Al-Shabaab waxuu tilmaamay in u warar xog ah dhabna ah ka helay dad ka yimi gobolada oo soo indha indheeyey tababaradooda iyo awoodooda ciidan isla markaana ay melkasta ka qorteen wixi dib jir ahaan jiray iyo qaar khmriga miisaami jiray iyo mujrimiin qaadan oo aan qorigaba tuureyn, waxaana uu sheegay madaxdaas haddaan talaabo sama-tabixin cad la qaadin in arintu faraha ka baxeyso oo guushu iyaga raacidoonto.

Isla shakhsiyaadka warkaas soo xigtay oo ka ag-dhawaa Shiikh Shariifka waxay sheegeen in Mr. Shariif inkasto u aleel ba'an ruxay irdahana ku tumay madaxdaas uu hungo iyo saluug uga dhandhantay wada hadalka masuullintaas, waxaana shariifka oo murugeysan carabkiiska ka soo fakatay ereyo u ku yiri " Cidna ersanmaayo, anigaa isu geystay, ehelkey ku eedoobay, gaalo Soomaali nabad iyo kheyr midna lama rabto, mana rabaan iney is-waafajiyaan fikirkooda iyo falka wax qabadkooda", hasa ahaate odayaal markaas warkiisa la cajabay kana agdhawaa goobta ayaa ku jawaabay "tacab iyo dadal baa lagu hodmaa ee shiikhow tuugsi shisheeye laguma dhargo, Col iyo Abaarna cagahaaga lagaga baxa"

Waxaa warku intaa sii raacinaya in Al-Shabaab ay kooxo tababaran u direen maamulada Puntland iyo Soomaaliland oo halkaas ka fulin-doona qaraxyo loogu tala galay in nabadgalyada khalkhal lagu galiyo oo dadyooga goboladaas nabadgalyo xumo awgeed ay naf la caari iyo cabsi badaha kaga gudbaan.