Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Casharkii Taxnaa..Caalim Al-Digtoor Sh. Shuceyb Oo Waano Iyo Wacdi Wixii Alle Baray Kaa Haqabtira

Thursday - November 12, 2009

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey, Adigaa Wixii Aad Tiraahdo Taabo Galiya Taaduna Noqone Janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Eebo Adaa Tiirsamaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku Soo Dhawaada Ereyada Shiikha iyo Ka Faaiideysi Wacan:
 
 ----------------------------------------------------------------------------------------------------

Socdaal Gaaban U Galay Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf Awgeed Casharkiisi Jimcaha Waxaa Maanta ka Si furdaamiyey  Daalib "Arday" Maxamed Cali

                    Ujeeddo : Su'aalo Diini Ah Iyo Jawaaba-hoodi

                                 Tijaabi Garaadkaaga

Su'aal : Waxaad Sheegta magaca malaga suurta afuufaya?

Jawaab : Malaga suurta afuufaya waxa la yiraahdaa " Israafiil"

Su'aal : Waxaad sheegta geedka ka baxa jahanama bartankeeda?

Jawaab : Waxaa la yiraahda " Saguum"

Su'aal : Waxaad sheegta Macnaha malaga Jibriil ?

Jawaab : Macnaha Jibriil waa adoon, sida u ku fasiray ibnu Cabaas

Su'aal : Waxaad sheegta Masjidka salaada lagu tukado ay u dhiganto Cumro?

Jawaab : Waa masjidka " Qubaa"

Su'aal : Waxaad sheegta meydka xalaasha ah?

Jawaab : Waa ayaxa iyo kaluunka

Su'aal : Waxaad sheegta gabadhi alle u waxyooday?

Jawaab : Waxay ahayd nabi Muse "CS" hooyadiis

Su'aal : Waxaad sheegta magaalada cudurka daacuunka galin?

Jawaab: Waa magaalada madiina al- munawara.

Su'aal : Waxaad sheegta suurada u shafeeca qaadeysa qofka akhriya?

Jawaab : Waa suuratal maalik " Tabaarak"

Su'aal : Waxaad sheegta Sanadka islaamka loo yaqaan murugada?

Jawaab : Waa sanadkii ay dhimatay Khadiija Bint khuweylid

Su'aal : yaa Ugu hor islaamay madiina?

Jawaab : Sacad bin Suraara

Su'aal : Janada yaa ugu horgalaya?

Jawaab : Nabigeena Maxamed " NNKHA"

Su'aal : Waxaad sheegta asxaabigi ku riyooday Aadaanka?

Jawaab :  Waxaa la oran jiray Cabdulaahi binu Zayid

Su'aal : Noocyada sadaqada tee ugu fadli badan?

Jawaab :  Biyaha oo lays waraabsho

Su'aal : Waxaad sheegta asxaabigii malaaiigtu ka xishoon jirtay?

Jawaab : Waxuu ahaa Cismaan Bin Cafaan "RC"

Su'aal : Waxaad sheegta asxaabigi geeridisu uu u ruxmay carshiga alle?

Jawaab ; Waxuu ahaa Sacad Binu Mucaad al-ansaariyi

Su'aal : Kumu ahaa saxaabigi sunta cabay Ee yiri Bismilaahi ee aan waxba ku noqon?

Jawaab : Waxuu ahaa Khaalid Binu Waliid

Su'aal : Waxaad sheegta asxaabigi arkay masiixu dajaal?

Jawaab : Waxuu ahaa Tamiin Binu Zakhar " RC"

Su'aal : Waxaad sheegta asxaabigi geeridiisu ay 70.000 ee malag soo dagen?

Jawaab : Waa Sacad Bin Mucaad " RC"

Su'aal ; Waxaad sheegta magaca Abi-bakar Sadiiq?

Jawaab : C/laahi Binu Qaxaafa " RC"

Su'aal : Waxaad Sheegta magaca abu-jahal?

Jawaab ; Waxaa la oran jiray Omar Binu Hashaam

Su'aal : Waxaad sheegta waxa alle abuuro wixii ugu horeeyey?

Jawaab : Alle waxuu ugu hor abuuray Qalinka

Su'aal ; Waxaad sheegta waxa ugu horeeya ee adoomada laga xisaabinayo Qiyaamaha?

Jawaab : Waa Salaada

Su'aal : Naarta yaa Ugu horgalaya Qiyaamaha?

Jawaab : Waxaa Ugu Horgalaya Suldaan, Madaxweyne, aan cadaalad sameyn

Su'aal : Waxaad sheegta ninka kaliya ee nabigu "NNKHA" gacantiisa ku dilay?

Jawaab ; Waa Ubaya Biny Khalaf

Su'aal : Waxaad sheegta munaafaqi nabigu "NNKHA" yiri Qofka doona inu Sheydaan arko kaas ha eego?

Jawaab : Waxuu ahaa Nabtal Binu Acsam

Su'aal : Waxaad sheegta asxaabiyadi rasuulku " NNKHA" ku kafnay khamiiskiisii?

Jawaab : Waxay ahayd Fadima Binu Asad " Cai Binu abudaalib Hooyadiis"