Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Xulka Nigeria Iyo Cameroon Oo Si Rasmi Ah Ugu Soo Baxay World Cupka 2010

Saturday - November 14, 2009

Waxaa Saacado ka hor soo idlaatay Ciyaartii aadka  u xiisa badneed Ee dhex martay Wadamada Nigeria iyo  kenya oo ka tirsaneed Isreereebka Qaaradda Africa  Ee Koobka Adduunka looga soo baxaya,Ciyaartaani ayaa ka dhacday Magaaada Nairobi.

Xulka Nigeria ayaa ku soo biiray Xulalkii horay Ticketka ugu jartay Koobka Adduunka kadib markii ay guul ka gaareen Xulka Kenya isagoona kaga badiye 3-2.

Xulka  Tunisia ayaa iska lumiyay fursad qaali aheyd oo soo martay isagoona ku guuldareystay inuu ka badiyo xulka Mozambique kaasoo 1-0 ku dubtay Tunisia isla markaana Nageria u fududeyay inay World Cup iska xaadiriso,iyadoona Goolka Tunisia laga dhaliyay daqiiqadii 81aad.

Xulka Nigeria ayaa Kaalinta 1aad ku soo baxay Group B kadib markii uu aruursaday 12 dhibcood halka Tunisia ay la timaaday 11 dhibcood,Xulka Nigeria ayaa guushaan kaga mahadcelinaya Weraryahankii hore Ee Naadiga Inter Milan Martins kaasoo Goal-ka guusha Wadankiisa u dhaliayey daqiiqadii 83aad iyadoona uu 2 Goal saxiixay Martinas ciyaartan halka Goal kale Ee Nigeria uu Yakubu u saxiixay.

Xulka Tunisia ayaa noqonayaa xulkii 2aad Ee Carbeedee maanta ka hara Ciyaaraha Adduunka ka dib markii Xulka Baxreyn uu isna isaga haray gabi ahaanba Tartanka Koobka Adduunka.

Si kasataba ha ahaatee waxaa goor dhawayd Magaalada Qahira ka bilaawday Kulan aada oo dhexmaraya Wadamada Masar iyo Algeria iyadoo la sugayo Xulkii 5-aad Ee Qaarada ka soo baxa maadaama ay horay u soo baxeen Xulalka kala ah Cameroon,Ghana,IveryGoast iyo Nigeria oo saacado ak hor banaanka iskeentay.

Xulka Masar ayaa laga donayaa inuu ugu yaraan 3-0 ku badiyaa si uu toos ugu soo baxo Kobka Addunka ama u 2-0 ku badiyo markaas oo ciyaar kala bax lagu ciyaari doono Wadanka Sudan halkaasoo Xiriirka Africa uu u doortay inuu marti galiyo waaa haddii ay masar ku badiso 2-0.

Xulka Aljeeriya ayaa ku filan inuu ugu yaran barejo ka helaa Masar ama 1-0 loogu badiyaa si u ugu soo gudbo World Cup 2010.

Dhanka kale xulka Cameroon ayaa u soo baxay koobka Aduunka kadin cayaar daqiiqado ka hor soo idlaatay oo ay la cayaareen xulka Maroco Ciyaartaan oo 90 kii daqiiqo ku soo idlaatay 2:0 oo ay guushu ku raacday Xulka Cameroon.