Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Qoys Reer Burco Ah Oo Gurigey Degaanba Gubanayo

Sunday - November 15, 2009

Sheekhu Jamaal oo warbaahinta uga waramay shalayto siyaabaha uu u maareeyay Dabkan reerka dhibtaada ku hayay mudadan dheer ayaa sheegay in uu Dabkani ahaa Sixir ay ka danbeeyeen Shan-nin oo Jin ahaa, kuwaas oo uu sheegay in ay ahaayeen Jin la soo adeegsaday isla markaana Dab sudhaayay reerkan Guri kasta oo ay dagaanba .
Waxaanu Sheekhu intaasi ku daray oo uu sheegay in uu mucjisadaasi uu ku maareeyay Quraanka kariimka ah iyo Sunaha Rasuulka kuwaas oo ilaahay yidhi iskaga daaweeya wixii dhib ah ee idinku yimaada umadadaydaa.

Sheekh Jamaal oo arintaa ka warbixinayaana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay."Markii aan ka war helay Dabkan mucisada ah ee Qoyskan ku habsaday waan u gurmaday waxaanan la kulmay C/rashiid Cali C/laahi oo ah Aabaha Qoyskan dhiban waxaanan ka waraystay Dabkan iyo noocyadiisa kala duwan waanu iiga waramay dhibta uu u gaystay .Sidaa darteed aniga oo Ilaahay kaashanaya iyo Quraankiisa Kariimka ah ayaan ku idhi arintan waan galayaaye ee fasax iisii waanan gudogalay arintii.

Waxaanan ka bilaabay guri ay reerku markii hore daganaayeen waxaanan ku akhriyay Aayado Quraan ah iyo Sunaha Rasuulka markii aan Quraankii bilaabay ayaa waxa gurigii igala hadlay Shan nin oo Jin ah kuwaas oo ka dhex hadlay Qof ka mid ah caruurta reerkan waxaaney ii sheegeen in ay iyagu dabkan  shidayaan isla markaana yahay Dabkani Sixir loo soo dhiibay oo ay shaqaale yihiin " Ayuu yidhi Sheikh Jamaal.

Waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata "Markii ay Shantan nin ee Jinka ahi sidaa ii sheegeen waxaan ku iri hadaydaan itusin meesha uu yaalo Sixirkani ama uu ku aasan yahay waxaan idinku dilayaa Quraanka ilaahay"

Markii aan intaasi iri waxay i tuseen meesha uu Sixirku ku aasnaa waxaanan ku iri haddii aad mar dambe soo noqotaan waan idin dilayaa dhamaantiin "Sidaasaananu ku soo afjaray Dabkaasi ilaahay baana igu guuleeyay waxaanan ku dabiibay Quraanka ilaahay iyo Sunaha Rasuulka kuwaas oo ilaahay yiri iskaga daaweeya wixii dhib ah ee idinla soo darsa ilaahay mahadi ha ka gaadhee.

Waxa kale oo uu Sheekh Jamaal sheegay in uu dabkaasi ku soo afjaray saddex casho gudahood xilligaasna ay ka dambaysay imika muddo laga joogo Siddeed bilood, isla markaana Qoyskaasi oo qofba meel joogay guri laysugu keenay ilaa maalintaa iyo maantana aanu jirin wax Dab ah oo ku soo noqday Qoyskaasi ayna fiican yihiin.

Ugu dambayntii waxa uu Sheekh Jamaal sheegay  in ay iyagu culimo-ahaan wixii Gargaar ah ee ay Qoyskaasi islaamka ah u qaban karayeen in ay u qabteen, balse waxa uu ummadda kale ee islaamka ah u soo jeediyay Khasaaraha balaaran ee Dabkaasi Sixirka ahaa gaarsiiyay Qoyskaa in ay wixii gacan ah ee ay ka gaysanayaan ka gaystaan Burcona ugu soo hagaajiyaan Ama xanaanada kiiniya oo ay u dhaw yihiin.

Dhinaca Kale C/rashiid Cali C/laahi oo ah Aabaha Qoyskan ay mucjisadan ku timi oo isna ka waramay ayaa si weyn ugu mahad-celiyay Sheekhan xaliyay dabkan Sixirka ah ee reerkiisa halakeeyay, kaas oo uu ilaahay uga baryay in uu ka jasaai siiyo camalkaa wanaagsan ee uu ugu gurmaday dhibtii haysay waxaanu arintaa ku tilmaamay in ay ahayd mucjiso aan la arag oo ka yaabisay cid kasta oo Burco ku sugan iyo ciddii maqashayba.

Waxaanu Cabdirashiid ugu baaqay ummadda Islaamka cid kasta oo ay dhibtan oo kale la soo daristo in Samraan oo ay Ilaahay xaggiissa u yaacaan isla markaana doontaan dadka aqoonta u leh la dagaalanka masiibooyinkan oo kale sida Sheekhan oo kale.

Mar la weydiiyey Cabdirashiid khasaaraha uu gaarsiiyay dabkani muddadii uu ku socday waxa uu sheegay in aanu soo koobi karin khasaarahii gaaray, balse waxa uu sheegay in uu dabkaasi u gaystay Khasaaei ba'an oo isugu jira  mood iyo Maal, isla markaana galiyay dayn balaaran.