Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Deriskaa Dagaalkaaga Raba,Dooradaada Ceshaas Ku Dhahaa...Shariif Iyo Faroole Oo Isu Marmarsiyoonaya

Sunday - November 15, 2009

Garowe- Nairobo : Dhawaan mar aan la sameynay xiriiro saraakiil shaqaale ka ag dhawo madaxda maamul goboleedka puntland oo codsaday in magcyadooda lagu dhaabin wargeysyada ayaa carabka ku dhuftay in dawlada Shiikh Shariif ay ummada Soomaali ku tahay dhabar- jab iyo gaxndho hortaagan qaranimadi iyo midnimada Soomaaliyeed oo hamigooda kaliya u ku soo koobmay habeen iyo maalin iney ku qarwaan helitaanka wax uun macaasha oo ay fuuqsadaan ... waxaa taas ka sii daran oo ay yiraahdeen; Dhawr wasiir oo u ka mid yahay Cabdiraxmaan Ibi iyo Shariif Xasan oo cidna ka qarsooneyn iney yihiin qaswalayaal isku cajibiyey afduubka ay ku haystaan Shiikh Shariif oo Madaxweynihi lagu hanweynaa inu Soomaali isu keeno ay kuwaas shukaanta u hayan, qodobadana u yeershaan kolbana halkii ay rabaan iney shaqshaq ka raasadaan ay Madaxweynaha ku yiraahdaan hoonka noogu yeeri si u ooda uga si rogo, waxaa la yiri lama arag habeen waraabe aan dawaco hor socon

Waxay intaa raaciyeen in Mr. Cabdiraxmaan Ibi oo haddi taariikhdiisa dib loo raaco la dhihikaro waa Qof isbadalo badan sameeya oo aan dhaqan u lahayn xishood, horeyna 1980kii mar ayuu waashay oo jiin calemo saar boqor qabiil ugu waxyooday hadal badina looga taag waayey, hasa-ahaate inkasto qardhaasyo badan lagu taxay waxuu noqday nin lagu tilmaamo taw-tawle madax- farad qaba oo aan naftiisana u tureyn, maantana ay yiraahdeen tshiga u shariifka siinayo ay kaliya ku qotanto cadaawada iyo duqeynta beelo gaar isagoo aad moodo inu ku habsaamay casharadi la soo maray dagaalki sokeeye ee 1990 ay qabyaalada isku cabbsiiyeen USCdi ee scandal-ka noqotay.