Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Col. Nuur Cade Oo Saxiix Ku Duugay Heshiisyo Laga Argagaxo Oo Dalka Soomaali Lagu Dhaxal Wareejiyey

Monday - November 16, 2009

EUNAVFOR: Micnaheeda waa " European Union Navigation Force "

Runtii waa nasiib darro haysata Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana Madaxda Soomaaliyeed,  kaddib intii dowladdii Soomaaliya bur burtay waxaa soo baxaya heshiisyo laga argagaxo oo dhammaantood ay ku saxiixan yihiin Masuuliyiin Magac iyo Darajo sare kulahaa Dowladii Milatariga. Ma Qof Bini aadam ah ayaa aamini kara shakhsi loo tababaray inuu ilaaliyo amniga Qaranka, khibrad ciidan oo ugu yaraan 40-tan sano ahna leh, isla markaana fikrad ka haysta sida caalamku maanta u shaqeeyo, oo wadamo badan tagay ama wax ku bartay (Col. Nuur Xasan Xuseen R.Wasaarihii labaad ee DFKM), ayaa aqbali kara/saxiixi kara/ ogaalan kara/ loola imaan karaa hadaladaan ku xusan Heshiiskan!. Imisaan oran karaa waa qab qable aan aqoon lahayn jahli ayaa u geeyey waxyaabo baddan.

Dowladii Siyaad Barre waxa ugu muhiimsan ee Saraakiisha iyo Ciidamada ay barto waxay ahayd Difaacidda Qaranka  Soomaaliyeed, Dhul, Cir iyo Badd laga difaaco Cadowga Soomaaliya. Waxay kaloo ummadda kala hadli jirtay inay Soomaaliya Shantii qaybood ee Gumaysigii reer Yurub u qaybiyey dib loo mideeyo. Arintaasna waxaa cadayn u ah Dagaalkii 77 lala galay Dowlada Itoobiya oo dad badan oo Soomali ah aaminsanyihiin kadib markii Ruushku jabiyey Ciidamadii Soomaaliya inay qaybta ugu wayn ku leedahay burburka Qaranka Soomaaliyeed. (Soomaaliya waxay gumaystayaashii Yurub hore ugu kala qaybiyeen shan qaybood.)

Sida aad kor ku soo aragtay qodobadaan kore oo dhan wax xuquuq ah oo ay siinayanaa ummadda Soomaaliyeed iyo dhulkooda midna jirin, una muuqda nooc gumaysi ah oo cusub, waxaana ugu magac bixin karraa (Gumaysiga reer Yurub ee Qarniga 21-aad) waxaan soo qaadan doonaa dhowr qodob oo kaliya qodabada oo dhan waa isku ujeedo, waana lagu soo celceliyey hadalada si mustaqbalka aan looga gar helin. Qodaba oo dhana waxay xuquuq cusub u siinayaan reer Yurub inay Wadanka Soomaaliyeed siday doonan ugu takri falaan, raga Madaxda ah oo ogolaaday heshiiskaana waxay dhaxal wareejiyeen Wadanka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaan is kor taagi doonaa dhowr qodob.

 Qodobka 4-aad

EUNAVFOR shaqaalahoodu waxay gelikaraan ciidda dhulka Soomaaliya waxa keliya oo looga baahan yahay waa sida ku cad qodobka 3 (1). Waa laga dhaafay ama ma qabanayaan sharciga la xiriira baasaboorka iyo dal-ku-galka, (Visa)  baaritaanka immigartion-ka, iyo hubinta custom-ka, marka ay ka baxayaan ama inta ay ku dhex jiraan dhulka Soomaaliya.

2. EUNAVFOR shaqaalahooda waa laga dhaafay (ma qabanayaan) sharciyada Soomaaliya ee la xiriira diiwaan gelinta iyo hubinta dadka Ajnabiga ah ee dalka soo geleya, laakiin ma yeelanayaan xuquuq deganaansho rasmi ah ama xuquuq madani ah ee dhulka Soomaaliya.

3. EUNAVFOR Dhaqaalahooda iyo aaladahooda (ay ku safrayaan ) lagu safarka ee geleya ama dhex maraya ama jooga gudaha dhulka Soomaaliya ee taakulaynaya hawlgalka waxaa laga dhaafay ama ma qabanayo wax kasta oo muujinaya in la ogaado inta ay leegyihiin alaabtaasi, loogama baahna dukumiinti, sidoo kale waxaa laga dhaafay ama loogama baahna haba yaraatee in la eego waxa ay wataan.

4. EUNAVOR shaqaalahoodu waxay dhulka Soomaaliya ku wadan karaan gawaari, maraakiib iyo diyaarado, haddii ay wataan laysan dalalka (qaybta ka ah howl galka) ama caalami ah ama militari, ama shatiga lagu wado maraakiibta ama laysanka lagu wado diyaaradaha, ee ku haboon.

Qodobka 4-aad  wuxuu leeyahay waxaa kaliya oo laga rabaa inay wataan calaamada howlgalkaan cusub loo sameeyey ee EUNAVOR oo kaliya, haday calaamadaas wataan waxkale oo laga rabo majirto (Uniform). Lagama doonayo Baasaboor iyo inay wadanka Soomaaliya Visa kusoo galaan ama ku joogaan, sidoo kale waxaa laga dhaafay in hay’ada socdaalku baarto ama waydiiso wax sharci ah iyo dhinaca Custom-ka iyo Xuduuda oo aan wax baaritaan ah ku samayn karin, macnaha qodobkan oo kooban waa waxay ka xuquuq badan yihiin Muwaadinka Soomaaliga ah. Sidaas maxaan u leenahay marka laga yimaado qofka shacabka ah ee Soomaaliga ah, dhamaan qaybaha kala duwan ee Dowlada waxay wadanka uga baxaan Baasaboor Dubamaasi ah, ha ahaadeen Hay’ada fulinta ama Mudanayaasha Baarlamaanka, Xasuusnowna Dowladu waxay qabanayso waa shaqo guud, sida qaalibka ah .... Wali lama hayo Sharci sheegaya qofka muwaadinka ah inuu wadankuu doono ha ahaadee uu Baasaboor la’aan, ama Teesaraha aqoonsiga la’aantiis xataa wadankiisa dhexdiisa u kala safri karo. Shaqaalaha howl galkaan loo soo ka xaysto wadankay doonaan ha ahaadeen e waxaa laga dhaafay in magac laga qoro ama la waydiiyo meesha ay ka yimaadeen, wadanka way iska soo gali karaan, meeshay doonaana waa aadi karaan. lama yaqaano waxay ku joogaan, majiraan sharci lasiiyey oo ka dhacaysa, sida Visa-ha Dal ku galka, Daganaansha wadanka ama dhalashada wadanka. Shaqaalaha dhulka Soomaaliya waxay ku wadan karaan nooc kasta oo gaadiid ah Cir, Dhul iyo bad, lagamana rabo wax sharci ah, haday kamid yihiin dalalka qaybta ka ah howl galka, ama wataan shatiyada wadamadooda, sida; kan gaariga lagu kaxeeyo.

Waxaa ka siidaran intaan soo xusnay wax kasta oo ay wataan sida; dhaqaalahooda iyo qalab ama waxkasta oo ay wadanka lasoo galayaan waxaa laga dhaafay in la ogaado waxa ay yihiin iyo inta ay leeg yihiin, wax sharci ah oo looga baahan yahayna majirto. Micnaha hadalkan ku jira waa, sida caadiga ah ee aduunka looga macaamilo waa, marka wadan lala galayo alaab ama dhaqaale waxaa lasocda waraaqo cadaynaya, noocooda, tiradooda, meeshay kayimaadeen, cida iska leh iyo waxa lagu qabanayo ama sababta loosoo safriyey, Number-ka 3-aad wuxuu leeyahay waxaas oo dhan lagama rabo. Haday sun keenaan nasiibkood, haday Subag keenaana nasiibkood.

8. Arrimaha la xiriira hawlgalka awgeed, EUNAVFOR iyo aaladahooda wax lagu qaado waxay adeegsan karaan jidadka dadweynaha, buundooyinka, marsooyinka, garoonada iyo dekedaha ayagoo aan bixin wax lacag ah, aan bixin kiro ama khidmad, aan bixin cashuur, iwm. EUNAVFOR lagama dhaafin (lagama cafin) kharash macquul ah ee adeeg loo qabtay oo la xiriirta adeegyada ay bixiyaan ciidamada hubaysan ee Jahmuuriyadda Soomaaliya.

Qodobkaan waa iska cadyahay, kaliya waxaan xusaynaa adeegsiga wadoonyinka iyo meelaha kale ee ay marayaan wixii khasaare soo gaara lama xusin cida masuuliyadeeda qaadaysa.

Qodobka 5-aad

1. EUNAVFOR maraakiibtooda iyo diyaaradahoodu waa in ay ahaadaan lama taabtaan (ama laguma xad gudbaan). Kuwaas oo hay’adaha Soomaaliya aysan geli karin ayagoo aan amar ka qaadan taliyaha ciidamada Midowga Yurub,

2. EUNAVFOR maraakiibtooda iyo diyaaradahooda iyo weliba aaladahooda wax lagu qaado waa in ay ahaadaan kuwo ka caaggan oo aan la baari karin, wax la weydiin karin oo dacwad lagu oogi karin.

3. EUNAVFOR iyo maraakoobtooda, diyaaradahooda, alaabtooda iyo dhaqaalahooda, meelkasta oo ay ahaadaanba waa in ay ahaadaan lama taabtaan oo aan lagu fulin karin ama lagu qaadi karin nimaadka sharciga.

4. EUNAVFOR kaydkooda (archive) iyo dukumiintigoodu waa lama taabtaan (caaggan) xilli kasta oo ay ahaato, waqti kasta oo ay noqoto (immunity).

5. Wada xiriirka rasmiga ah ee EUNAVFOR waa lama taabtaan (xafidan). Wada xiriirka rasmiga ah waxaa macnaheedu yahay dhammaan xiriirka la xiriira hawlgalka iyo arrimaha fulineed ee la xiriira (waa lama taabtaan).

Qodobkan shanaad markaad aragto waxaad ilaawaysaa kuwii kasii horeeyey inkastoo uu xoojinayo qayb kamida kuwii aan soomaray. Wuxuu leeyaha Noocyada gaadiidka Midowga reer Yurub lama fiirin karo lamana gali karo meelkasta oo uu joogo, waxaa ka caagan in labaaro Diyaaradahooda iyo Maraakiibtooda, wax su’aal ahna aan lawaydiin, haday xadgudbaana wax dacwad ah lagu soo oogi karin. Waa yaabe dalka yaa iska leh, mawadan Midowga reer Yurub ka mid ah baa, xageese aduunka aan ku noolahay sidaas looga dhaqmaa, waxkasta oo ay wataan waa ka wayn yihiin sharciga waa lama taabtaan, sharci laguma qaadaan. Arintan si fiican u dhuux “Kaydka xogtooda, wada xiriirka howlgalka ee rasmiga ah waa laba taabtaan, xili kasta oo ay ahaato” Taas macnaheedu waa howsha ay u joogaan cid og majirto, haday wadanka sahamin kusameeyaan lama ogaan karo, waxkasta oo kuwada hadlaan iyaga kaliya ayaa is og. Qodobadaan kore markaad akhrido miyaadan qirayn inaan gumaysi galay Qarniga 21-aad, gumaysigana uu qayb kayahay Sarkaal sare oo loo tababaray difaaca Dalka iyo Dadka, Col. Nuur Xasan Xuseen.

Heshiiskan waxaa DFKMG u saxiixay safiirka u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Nuur “Americo”.

Qodobka 6-7-aad

Qodobadaan sidaan sheegnay midba mid  waa ka daran yahay, qodobka 6-aad iyo qaybihiisa ayaa waxay si wanaagsan u cadaynayaa inaan Gumaysi rasmi ah oo aan geedna loogu soogaban ku jiro, ama ugu yaraan maxmiyad. Qodobkaan wuxuu kahadlayaa sida aad kor ku soo aragtay shaqaalaha howl galka EUNAVFOR inaan wax sharci ah oo qabanaya uusan jirin, marka laga reebo kan wadanka ay kayimaadeen.

1. Shaqaalaha EUNAVFOR looma qabsan karo dacwad noocii ay doontoba ha ahatee, lamana xiri karo

2. Waraaqaha, wada-xiriirka iyo alaabada shaqaalaha EUNAVFOR waa lama taabtaan

3. Shaqaalaha EUNAVFOR waa in ay noqdaan kuwo ka caaggan oo xaaladdii ay doonto haku dhacdee aan lagu soo oogi karin dacwo-dembiyeed ama dacwad madani ah ama dacwad maamul ee Jamhuuriyadda Soomaaliya xaaladdii ay doonto haku dhacdee.

Dalalka ciidamada ka qayb qaadanayaan EUNAVFOR ama EU waxay qoraal ku soo gudbin karaan in ay iskood u joojiyeen arrintaas la xiriirta in aan dacwad loo qabsan karin shaqaalahooda. Waxaana shardi ah in taas qoraal lagu gudbiyo markasta.

4. Nidaamka ay bilaabaan Shaqaalaha EUNAVFOR waa in ay u horseedaa in aan dacwad loo qabsan karin xagga maamulka ayadoo la eegayo dacwad celinta la xiriirta sheegashada asalka ah.

5. Shaqaalaha EUNAVFOR waajib kuma aha in dhiibaan caddayn ayagoo markhaati ah

6. Lama fulinkaro wax ciqaab ah oo ku aadan shaqaalaha EUNAVFOR.

Dalalka (EU) ee soo diray (Shaqaalaha EUNAVOR) ayaa leh xuquuqda in ay qaadaan xukunka faldembiyeedka lagu galay gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana shaqaalaha EUNAVFOR loo adeegsanayaa qaanuunka dalka soo diray.

Haday danbi galaan lama dacwayn karo, lamana xirikaro, xiriirkooda iyo alaabadooda lama baari karo, sabab kasta oo keenta waxay ka caagan yihiin in wax dacwad ah lala tiigsado noocay doonto ha ahaatee, (waxaa iswaydiin mudan, xagee joogaa muwaadinka Soomaaliga ah oo xuquuqdaas haysta!) wadama ay ka yimaadeen qoraal way kusoo gudbin karaan in ogolyihiin in dacwad lagu qaadi karo Shaqaalaha ay soo direen, hadii kalese Soomaaliya noocay doontaba ha ahaatee shaqaalaha EUNAVFOR. Dacwad iyo ciqaab midna kuma qaadi karto. Sidoo kale qodobkaan waxaa lagu xusay inaan sinaba loo baari karin Boorsooyinkooda iyo alaabtooda iyo inaan wax canshuura laga qaadi karin noocay doonto ha ahaatee. Waxay ogol yihiin oo kaliya wixii khidmad ah oo loo qabto sida; xamaali ama xarayn. Qodobka 7-aad ayaa wuxuu leeyahay haday EUNAVOR danbi ka galaan Muwaadin Soomaaliyeed oo jooga wadankiisa EUNAVOR ayaa xaq uleh inay faldanbiyeedkaas dacwadiisa ay qaado iyadoo adeegsanaysa shakhsiga galay wadanka soo diray.

Hadaba waxaa hubaal ah in Muwaadinka Soomaaliyeed ee arka qoraalkan madaxu xanuunayo, haduu xanuun horay u qabayna laga yaabo inay dhacdo inuu dhakhtarkiisa arko. Aduunka aan ku noolahay xuquuqda noocaas oo kale ah wax haysta majiraan, iska daa wadan aad ajnabi kutahay oo xaqa aad leedahay aad u kooban yahay, kawaran hadii laleeyahay Muwaadin Soomaaliyeed oo wadankiisii lagu dulmiyey wax xuquuq ah malihid waxaa kaamudan Gumaystahan doolka ah. Hadaba su’aashu waxay tahay maxay tahay danta Soomaaliya ugu jirta Gaashaan buurtan reer Yurub ee wax sharci ah oo qanabaya uusan jirin inay wadankeena xuquuqda intaas leeg ku yeeshaan? Howlgalada noocaan oo kale ah aduunku markuu galayo dan ayuu ugu xishaa, gaar ahaan wadama 3-aad dhaqaale ayey fiiriyaan. Tusaale waxaa ah Jabuuti waxay Saldhig Milatari siisay Maraykanka iyo Qaar kamid ah wadamada reer Yurub, dhaqaale xoog leh ayaa kasoo gala. iska daa wax dhaqaale ah oo nala siiyee waxaa loo saxiixay in Canshuurtii laga dhaafay noocay doonto hanoqotee sida; Shaqaalahooda, qalabkooda, dhaqaalahooda iyo isticmaalka Hawada, Badda iyo dhulka. Su’aasha jawaabteeda waxaan kasugaynaa Nuur Xasan Xuseen oo ahaa Raysal wasaarihii arintaan fuliyey.

Qodbka 11aad

EUNAVFOR waxay ogolaansho u haysataa in dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo baddiisa, ay kafuliyaan wixii ku haboon sugidda difaaca maraakiibtooda, diyaaradahooda iyo dhaqaalahooda iyo weliba markiibta ay ka difaacayaan weerar bannaanka kaga yimaada.

Qodobka 12

EUNAVFOR waa in ay xuquuq aan wax xannibaad ah lahayn u haysataa wada xiriirka raadiyaha (oo uu ku jiro satellite, mobile iyo raadiyaasha gacanta), telefoonka, telegaraafka, fax-ka iyo siyaabo kale oo loo xiriiro. Jamhuuriyadda Soomaaliya waa in ay lacag la’aan ugu ogolaato (oo u xaqiijiso) adeegsiga khadka hoondada (frequency).

Qodobka 13

1. EUNAVFOR iyo shaqaalaheedu masuul kama aha (loomana qabsan karo) wax kasta oo burbura ama luma oo ah maal shacab ama dawladeed, kuwaas oo ku burburay ama ku lumay wax la xiriira hawlgal loo baahnaa ama ay sababeen dhacdo la xiriirta kacdood shacab ama difaac EUNAVFOR.

2. Sheegashada burbur ama lumid maal shacab ama dawladeed oo aan lagu xusin faqradda 1aad (ee sare), iyo sheegashada geeri ama dhaawac dad ama burbur loo geysto alaab EUNAVFOR, waa in lagu xalliyo ayadoo la marayo dariiq dublomaasiyadeed.

3. Haddii ay dhacdo xaalad sharciyeed la xiriirta gabood-fal ay sababtay gacan saddexaad, markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa geleysa booskii EUNAVFOR. Dhammaan dhacdooyinkaas, jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa bixineysa qaantaas ka dhalatay xad-gudbka ay geysatay gacan saddexaad wixii aan ka ahayn sida ku xusan farqadda 1aad (ee sare). Haddii qaantaas lagu xiriiriyo EUNAVFOR, markaas dhammaan qaantaas ama qaar ka mid ah waxaa bixinaya EUNAVFOR.

Qodobadaan ayaa ah kuwa ugu khatar san heshiiskan gaar ahaan Qodobka 13-aad, Nuxurkoodu waa EUNAVFOR inay ku dagaalami karto meelkasta oo kamid ah wadanka Soomaaliya, iyadoo ugu yeeraysa Difaaca Maraakiibtooda, Diyaaradahooda iyo hantidooda, qodobka 12-aad ayaa xoriyad usiinaya inay noocay doonaan oo isgaarsiin ah iyo siday doonaan u isticmaali karaan wadanka Soomaaliya dhexdiisa, gaar ahaan Mowjadaha raadiyaasha loo isticmaalo iyagoo wax kharash ah aan bixinayn. Qodobka 13-aad ayaa ah mid aad looga naxo, kaas oo gumaystayaasha reer Yurub u ogolaanaya inaan loo haysan, loona qabsan karin wixii khasaare ah oo ay gaystaan naf iyo maalba, iyagoo ku sababaynaya howl gal loo baahnaa marka lagalayo ama waxa loogu yeeray difaaca EUNAVFOR. Wuxuu kaloo qodobkaas xusayaa haduu dhaco kacdoon shacab oo shacabku mudaharaad rabshado wata ku qaado inaan loo haysan qasaaraha ay u gaystaan, sababtuna ay tahay maadaama aad u ogolaatay inaan dacwad lagu qaadi karin lana ciqaabi karin, la iska dhicin karin, Visa ay ku joogaan oo laga noqonayana aysan jirin. wuxuu kaloo qodobku xusubay haday dhacdo gacan sadexaad oo EUNAVFOR iyo Dowlada aan ahayn oo dhib u gaysata EUNAVFOR dhibkaas qaantiisa waxaa bixinaysa Jamhuuriyada Soomaaliya. Wixii lagu yeelo waa HADUR hadayba dhacdo in wax loo gaystana waa dushaada.