Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Soomaalida Ku Nool Wadanka Griiga Oo Lagala Baxsaday Lacagiihi Ay Wadankaasi Uga Bixi Lahaayeen

Monday - November 30, 2009

Greece: Qaar kamid ah dadka Soomalida ah ee ku dhaqan wadanka Giriiga ayaa waxaa soo foodsaartay nolol aad u xun kadib markii la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay nin ka mid ahaa raga sida aadka ah looga yaqaano wadanka Giriiga kaasi oo  Soomaalida socotada ah ay lacagaha u dhiiban jireen.

Wararka ayaa sheegaya in Sadex Meelood Laba meel oo kamid ah lacagihii Soomaalida ku sugan wadankaasi ee rabay in ay uga sii gudbaan wadankaasi wadamada kale ee Yurub uu la goostay ninkaasi oo isagu u dhexeyn jiray Soomaalida iyo shaqsiyadka dadka halaasi kasii dira.

Dadaka ku sugan dalka gariiga ayaa shegey in lacagtaasi aheed qiyas ahaan ilaa 265,000 (Laba boqol lixdan iyo shan Kun ) oo yuuro u dhigantana ku dhawaad Nus Milyoon dollar waxaa halkaasi dhibaatooyin aad u weyn kasoo gaartey Somalidii ku nooleed Gariiga.

Lacagahaasi ayaa ahaa kuwo markii hore soomaalidu ku soo heleen qaaraan ama loo soo aruuriyay halka qaar kalana laga yaabo in guryahoodii ay u soo iibiyeen si ay ugu baxsadaan wadamada yurub iyagoo raadinaya nolol ka wanaagsan midi ay ku noolaayeen markii ay dadlkooda soomaaliya joogeen,

Dadka  ayaa sheegay in meesha kali ah ee ay hada aaminaan ay tahay Xaafiiska Shirkada Xawaalada Amal ee Magaalada Athens Greece taasi oo ay sheegeen in ay u adeegto soomaalida qaxootiga ku ah wadanka Gariiga dhinacyo badana ay ka caawiso.