Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Maxamed Dheere Oo Lagu Wado In Xil Loo Magacaabo Iyado illa Hadda La Gudoonsiiyey Guuto Takniko Ah

Wednesday - December 2, 2009

Dowladda Federaalka KMG Somalia ayaa bilaawday Abaabul xoogan oo ay ku doonayso in ay ku wiiqdo Awoodda Xoogaga Islaamiyiinta ah ee Mucaaradsan Dowladda.

Iminka Abaabul xoogan waxaa Muqdisho ka wada saraakiisha Madaxtooyada oo ka soo jeedo Beelaha dega Waqooyiga magaalada Muqdisho si ay uga xoreeyaan xoogaga Islaamiyiinta.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya  in Madaxweyne Shariif oo kaalmaysanaya Ganacsatada Beelaha Mudulood uu Gaadiid Dagaal isku saaray Max’med Dheere Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir si uu qabto Kaaraan iyo degmooyinka ku xeeran.

Max’med Dheere oo Dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho uuna soo kaxeeyey Shariif Sakiinka Maaliyada ayaa la sheegayaa in loo dhiibi rabo Jago Muhiim ah waxayna Warar Hoose sheegayaan in loo magacaabi rabo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ama Taliyaha Ciidanka Nabad gelyada Gobalka Banaadir.

Sida ay wararku sheegayaa waxaa  Max’med Dheere hadda gacanta loo geliyay Guuto ka tirsan Ciidankii hore ee Maxaakimtii uu Hogaamin jiray Madaxeyne Shariif Sheekh Axmed Xiligii uu Mucaaradka ahaa.

Ku dhawaad 14-Gaari oo kuwa Dagaalka ah ayaa durbaba la siiyay Maxamed Dheere oo uu ku lamaanayahay Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Gobalka Banaadir Muxudiin Shaaweeye.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulamo dhanka Siyaasadda ah ay Muqdisho ka wadaan Hogaamiyaal ka tirsan Beelaha Mudulood oo hadda doonaya in ay dib ugu laabtaan deegaanada Waqooyi ee magaalada Muqdisho oo ay maamulaan Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Hogaamiye Maxamed Dheere ayaa xilal kala gedisan ka soo qabtay dalka Somalia waxaana lagu xasuustaa Awaamirtii adkeed ee Maxamed Dheere ku soo rogay magaalada Jowhar Gobalka Shabeelaa Dhexe