Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Dhimashadi Qaraxa Oo Sii Kordheysa Iyo Qaraxyo Kalo Laga Baqayo

Thursday - December 3, 2009

Muqdisho:: illa Iyo hadda Inta la ogyahay waxaa geeriyootay afar wasiir oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo takhtaro u ka mid yahay Dhaqtar daruus ka bixin jiray Jaamacadda Banaadir oo si weyna looga qadarin jiray kuliyadaas, sido kale inta la ogyahay labo Wariye oo ka kala tirsan TV-ga Al-Carabiya iyo tan Idaacadda Shabeelle iyo Arday tiro badan oo maanta diyaar u ahaa in ay qaataan Shahaaddooyin qalin-jebin ah oo ay ka qaadanayeen Jaamacadda Banaadir, gaar ahaan qeybta Caafimaadka.

Wasiirrada dhintay waxay kala yihiin Wasiirraddii Caafimaadka Qamar Aadan Cali, Wasiirkii Hidaha iyo Tacliinta sare Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Wasiirka Waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeel iyo Wasiirkii Dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble.

Wasiirrada dhintay ayaa waxay ka mid ahaayeen wasiirada ugu shaqada badan Dowladda Soomaaliya, waxaana tusaale loo ah in Wasiirrada Waxbarashada qaabilsanaa ay dhawaanahan dibadda u dirayeen Arday ka baxday Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho. Wasiiradda Caafimaadka iyadana waxaa lagu xusuustaa kaalimo muhiim ah oo ay ka qaadatay dhinaca caafimaadka, halka Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortigana uu ilaa waqtiga uu dhibka soo gaarayay uu ku mashquulsanaa dhaqdhaqaaqyo Isboorti oo uu lagu horumarinayo Isboortiga Soomaaliya.

Sida la ogyahay Horay waxaa qarax ismiidaamin ah loogu dilay Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan, iyo Mudane Laqanyo Ex danjire Adis ababa kuwaasi oo markii qaraxa lala beegsanayay ku howlanaa dhaqdhaqaaqyo dhinaca ammaanka ah.

Wariyayaasha dhintay ayaa waxay kala yihiin Xasan Zubeyr Xaaji Fantastic oo ahaa Cameraman u shaqeynayay TV-ga Al-Carabiya  iyo Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo ka mid ahaa Wariyayaasha Idaacadda Shabeelle. Waxaa  jira wariyayaal kale oo dhaawac ahaan loo qaaday, kuwaasi oo dhaawacyadooda ay isugu jiraan kuwo fudud iyo kuwo culus.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ahayd gudaha Hotelka Shaamo ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugnaa dadka dhimashada iyo dhaawaca ay soo gaartay, waxaana halkaas ka socotay xaflad qalin-jebin ah oo loo qabtay Arday cilmiga caafimaadka ka soo bartay Jaamacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaan ilaa iyo haatan la kala caddeynin wixii uu ka dhashay, waxaana jira warar la isla dhexmarayo oo qaarkood ay sheegayaan in uu fuliyay qof naftiisa huray, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in qaraxa uu ka dhashay waxyaabo qarxa oo la dhigay halka uu qaraxa ka dhacay.