Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Casharki Taxnaa Ee Caalim Al- Digtoor Sh. Shuceyb Oo Waano Iyo Wacdi Wixii Alle Baray Ka Haqabtiraya

Thursday - December 3, 2009

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taao galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Shiikha Iyo Ka Faaiideysi Wacan

Ujeeddo : Soo Noqodkii Digtoor Shiikh Shuceyb Iyo Dardaarankiisi

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah iyo Saliga Nebi Maxamed NNK ha ahaato, Allahu akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar, Laailaaha Illallalaah, Allahu Akbar, Allahu akbar, Walillaahil xamdu, Waxa nasiib leh qofkii Allah u fududeeyay inuu soo guto sannadkan Xajka iyada oo weli cabsi fara badan laqa qabay cudur aad iyo aad argagixiso u geliyay dadka muslimiinta ah ee sanadkan niyeystay iney soo gutaan rukniga shanaad ee diinteena islaamka ah ay ku dhisantahay, Allah waxaan ka baryayaa inuu ka aqbalo xajkooda dhamaan Xujeyda islaamka ee xajisay sanadkan 1430 hijra, gaar ahaan kuwa soomaalida ah ee ka kala yimi dalka gudihiisa iyo dibadiisa, Allow ka aqbal Xajkooda oo dalalkooda iyo ehelkooda iyaga oo nabad ah ku celi, waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa guud ahaan umada soomaliyeed gaar ahaan reerkii iyo eheladii uu ka baxay sheekh Maxamed Rashaad Macallin Isxaaq oo dhawaan ku geeriyooday Mina, Aniga oo Allah ka baryaya inuu ka waraabshao jannada Fardowsa, ehelkii uu ka baxay Allah Samir ha ka siiyo.
 
Xajka Sannadkan aad buu uga duwanaa kuwii ka horeeyay, xujeydii tagtay oo gudatay faradkaa waajibka ah, waxey muujiyeen kalsoonida weyn oo Allah ay ku qabaan, iyaga oo talo saartay Macbuudka xaqa lagu caabudo, waxey doorteen iney waajihaan cabsidii jirtay iyo cudurkii dadka intooda badan argagaxa geliyay iyaga oo ku kalsoon Allah wixuu qoray ineysan gefeyn, waxii aan Allah qadarina aysan ku dhaceyn, waa sida laga doonayo qof kasta oo Allah aaminay inuu kalsooni ku qabo qadarta Allah, talada iyo tawakalkana Allah qura saarto.
 
Akhristayaasha bogan Galdogobtimes, sida ay la socdaan oo horay loogu bandhigay, waxa aan galay safar gaaban oo aan ku gaaray dalka Kanada iyo Mareykanka, intii aan ku maqnaa safarkeyga waxa sii buuxshay oo qoray maqaaladii aan qori jiray walaalaha kala ah Maxamed Ali, Xasan Abdi Xersi(Xasan Cadde), iyo Ahmed arwo (Cardiff, UK), dhamaantood waxaan halakan uga soo jeedinayaa mahad gaar ah iyo qadarin weyn sida wanaagsan ee ay usoo diyaariyeen maqaalo waxtar leh. Ugu dambeynta waxaan hambalyada Ciida Al-Adhxa usoo gudbinayaa dhaamaan akhristaha bogan guud ahaan, gaar ahaan asxaabta, qaraabada, iyo ehelada ku kala nool Dalka Soomaaliya iyo dibadiisa.
 
Mar hadii Xajka sanadkan uu dhamaaday, maalintii khayrka badneyd ee Carafo intii Allah waafajiyay la soomay, Allah waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo Soonka maalintaa baraka badan ee Suubanaha NNK ha ahaato noo sheegay, in qofkii sooma la dhaafayo dembigiisa sannadkii ka horeeyay, Allow naga yeel kuwii dembigooda la dhaafo oo towbadooda la aqbalo, nasiib waxa leh qofkii gaara sannadka cusub 1431Hijra oo Allah waafajiyo inuu soomo Yowmul Cashuura, waa maalinta Tobnaad ee bisha Muxaram, waxa haboon in la soomo maalin ka horeysa iyo maalinta ka dambeysa qofkii kara, ama maalin kale la raacsho oo laga hormariyo ama laga daba marsho sidii Rasuulkeena Mohamed NNK ha ahaato uu nafaray isaga oo yiri: " Sooma maalinta Caashuura, laakin Khilaafa Yahuuda ", waxa fadli badan oo ajar weyn in la soomo saddexda maalmood oo ah Sagaalaadka, Tobanaadka, iyo kow iyo tobanka, sannadka soo socda waxey ku beegan tahay oo waafaqeysaa 6da bisha January, 7da iyo 8da, 2010, Allow naga yeel kuwii gaara oo sooma, iyo ajarka weyn ee ay leedahay kuwii hela naga yeel.
 
Sannadkii islaamka 1430Hijra baa gebo-gebo ah waxa ka haray wax ka yar labo usbuuc, qofka muslimka ah ee khayrka Allah waafajiyay waxa caado u ah marka sannad u dhamaado mid cusubna fooda kusoo hayo, xisaab xir ku saabsan naftiisa iyo camalkiisa inuu sameeyo, wuxuu xisaabshaa naftiisa, maxaa khayr ah buu la yimi ama Allah xagiisa u hormarsaday, waa inuu isweydiiyo dhowr su'aalo ah oo ay ka mid tahay:
 
1) Cibaadadii Allah faray ee darteed loo abuuray sidii ugu wanaagsaneyd ma ula yimi?
2) Ehelada iyo qaraabada ma xiriirshay?
3) Labadii waalid baari ma u ahaa, hadii ay nool yihiin, hadii ay dhinteen ma u duceeyaa si joogta ah markii Allah waafajiyo oo ma yiraah "Allow u naxariiso labadeyda waalid sidii ay ii barbaariyeen markii aan yaraa oo tabarta darnaa".
4) Reerkiisa iyo caruurtiisa ma u ahaa hogaan wanaagsan oo ay ku daydaan?
5) Guud ahaan wixii khayr ah ee Allah u dhaweynaya ma la yimi intii karaankiisa ah?
 
Intaa marka uu ka jawaabo wuxuu qorsheeyaa wixii uu fali lahaa sannadka cusub si uu u kasbado wixii Allah raali kaga noqanayo naxariistiisana ku helayo, wuxuu ku fekeraa sidii uu u wanaajin lahaa wixii ka khaldamay, wixii wanaag ah ee uu sameeyay sidii uu u laba-laabi lahaa.