Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Qaraxi Dhacay Iyo Sirti Isku Qufuleyd Oo La Daah Furay

Friday - December 4, 2009

NIROBI-WASHINTON- OTAWA CANADA: kolki Qaraxa waxshnimada u ka dhacay Hotel Shamo ee Mogdisho waxaa dib u soo xoogeysty trorogti warar markii hore si aan hubaal ku jirin la isla dhex marayey oo tilmaamayey in siyaasyiinta mareykanka ee saldhigoodu yahay magaalada Nairobi ay muddo inti bil ah hadal hayeen karti darada iyo habacsanaanta u la yimi madaxweyne Shiikh Shariif oo ugu muuqday Ruux aan ahayn sidi ay moodayeen, waxayna masuulliintaas bilaabeen daraasado iyo Su'aalo ay wax ka weydinayaan shakhsiyaad Soomaaliyeed oo dhulal kala gadisan ku kala nool gaar ahaan inta badan ay ku noolyihiin cariga waqooyiga Ameerika.

Su'aalaha asaasiga ah ay weydinayeen dipolomaasiyintaas sahanka waday waxaa ka mid ahaa yaad u arkeysaan in xilka dalka u qabankaro haddi Shiikh Shariif Istaqaalad Keeno Ama geeri ku timaado? Su'aalahaasna inta badan dadka ay wax weydinayeen uma ay carifin ciida qabankarta xilkaas madaxweynimada balse sida la odorasay dadka badankooda waxay jawaabta ku riixayeen in arinta ay u taalo shacabka Soomaali iyo beesha caalamka ee daneeya waxa ka socda Somaaliya" Kuwa Nigiska kala baxay shacabka Soomaaliya" ... waxayse dipolomaasiyintaas wax weydiintooda markasta ugu dambeysta u si raaciyaan qofka ay wax su'aalayaan Qabuulnimada iyo kartida profosoor Mr.Ibraahim Xassan Caddow haddi u noqonkaro hogaamiye bulshada Somaaliyeed samatabixin-kara ama mideynkara gaar ahaan beelaha Hawiye oo dabkoodu dami la'yahay amase shidadoodu badatay ....Warku waxuu intaa raacinaya in sahamadaas indha-indheynta reer galbeedku kula dhex jireen bulshada Soomaali meelo badan looga qaatay in reer galbeedku doonayaan iney gogol xaar u sameyaan Mr. Ibraahim Cadow si ay mustaqbalka u soo fariisiyaan kursiga Vila Soomaaliya oo halkaas Shiikh Shariif iyo maafiyadiisa la raacdeeyo kaasoo noqdey waa sida ay sheegeene Nin xadgudbay si gaara iyo ulakac ugu munaafacsaday deeqdii $10 milyan ee dhawaan loo keenay in lagula dagaalo argagixisada al-shabaab,waxayna hawlwadeenadaas mareykanka afka ka sheegeen in sadex milyan u qaatay Shariif Sakiin, afar malyana u xalaaleystay Shiikh Shariif iyado laba milyana ay siiyeen Ina Cabdi Rashiid oo halkaas caloolihi xirnaa durbaba xulus ku yeesheen

Sida muuqata Reer galbeedka oo u arkaya shariifka Nin uun sidi Baaniyaal Hindi beeso uun raba kuna noqday siyaasadoodi Wir-Wir Iyo Dhaan-dabagaalle waxay si aad ah uga gocanayaan hubkii iyo lacagihii ay keeneen oo in badan galay gacanta Al-Shabaab iyo Xisbi islaam oo xeerkoodu ku sunduleynaayo colaad baafin iyo talo qori saaran .