Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Dawlada Masar Oo Diidmo Qayaxan Saartay Kala Go'a Soomaaliya

Sunday - December 6, 2009

Xigasho Wargeyska Jamhuuriya-Hargeysa - Safiirka dawladda Masar u fadhiya Soomaaliya Mr. Siciid Maxamed Al-misri, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Masaaridu ay ku dhegen tahay midnimadda Somaliya oo aanay shacabka Somaliya u kala saarayn waxa uu ugu yeeray Koonfur iyo Waqooyi, isaga oo si kulul uga gubtay su’aalo suxufiyiintu waydiiyeen oo la xiriiray qadiyadda madaxbannaanida Somaliland.

Safiirka oo booqasho ku jooga Somaliland oo xalay hoteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa ugu waramay suxufiyiin ka socday wargeysyadda Jamhuuriya, Haatuf iyo Geeska Afrika, waxaa uu si bareer ah kibir badani ka muuqdo u qirtay in dawladda Masar ay ku shaqaynayso midnimadda Somaliya, islamarakana uu haatan booqasho ku joogo dhul ka mid ah dalka Somaliya.

Safiirka oo ugu horayn ka warbixiyey ujeedadda socdaalkiisa uu ku yimi Somaliland, waxa uu yiri;“Safarkaygani wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyey ee safiir Masri ahi uu ku soo booqdo Somaliland, fursadana waxaan uga faa’iideysanayaa inaan ku tilmaamo farxadeyda inaan soo booqdo halkan anigoo ah safiirka Masar u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaan booqday Muqdisho, Baydhabo iyo Puntland, waxaanay ila noqotay inaan imaado halkan oo aanan hore u iman, hadafkayga koowaad ee aan halkan u imidna waxa ugu muhiimsan inaan Somaliland oo aanan hore u iman booqasho ku imaado, jaaliyadda reer Masar ee halkan joogta iyo inaan la kulmo masuuliyiinta Somaliland.

Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo ina macallimiinta reer Masar ee Somaliland wax ka dhigtaa aanay ahayn kuwo soo dirtay Jaamacadda Carabtu ee ay yihiin deeq ka timi Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Masar.”

Intaa ka dib waxay weriyaayaashu ku weydiiyeen su’aalo la xiriia qadiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo siyaasadda cadawtinimada leh ee dawladda Masar ku la dhaqanto, su’aalahaasi oo safiirku xoog uga carooday, islamarkaana uu badankooda aanu uga jawaabin si haboon.

Su’aal: Somaliland ma waxaad u timi adoo u haysta inay Gobol Soomaaliya ka mid ah, mise wax kale?

Jawaab: Masar waxay shacabka Soomaaliyeed ula dhaqmaan sidii shacab keliya, umana kala saaraan Soomaalida waqooyi iyo Soomaaliyada koonfureed, taasina waa dhab.

Waxa laga yaabaa hadalkaygaas inaannu ahayn hadal aragti ah, magacyada lala baxayna marka laga joogsado dhinaca walaaltinimada maaha aasaaska iyo seeska, waxaan ku oran lahaa anigu waxaan ahay safiirkii Masar ee Soomaaliya, waxaanan la kulmayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliya kay doonaan ha ahaadaan koonfur amma waqooyi.

S: Shacabka Somaliland wuxuu khaati ka joogaa siyaasadda Masar ee hortaagan goonni-isu-taaggooda maxaad ka leedahay arrintaas?

J: Maaha inaynu ku noqnoqono su’aalo aan muhiim ahayn, waxaan mar labaad kuugu celinayaa inaan anigu ahay safiirka Soomaalida oo dhan, iyaga oo aan la kala qaadin koonfur iyo waqooyi. Xiriirka Soomaalida iyo Masarna waxay lahaayeen xiriir dheer, Somaliland iyo Puntland waxay u yaqaanaan dhulkii udugga

Waxaan intaa kuugu darayaa anigu ma ahi safiir dawladda ajnebi ah ee waxaan ahay safiir dawlad aad walaalo tihiin, su’aashaa aad i weydiisay waxay ku qurux badnayd in la waydiiyo dawlad shisheeye ah.

S: su’aasha aasaasiga ah ee aanu kaa doonaynaa waa inaad caddayso mawqifka Masar ee ku waajahan Somaliland?

J: anigu umaan iman inaan caddeeyo mawqifka dawladda Masar ee Somaliland, waxaanse u imi inaan caddeeyo xiriirka iskaashi, sheeko kale ayaad ila gasheen, waxaad I weydiisay su’aal aan muhiim ahayn, su’aasha aad iwaydiisayna ma waafasana xeerarka saxaafadda. (inta uu safiirku carooday ayuu miiska ka kacay, balse wada hadal ka dib, waxay suxufiyiintu ku qanciyeen inuu fariisto oo uu waraysiga dhamaystiro.)

S: Tan iyo 2001-dii Masar ma siiso deeq waxbarasho Somaliland, waxaanay shardi uga dhigtaa in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya aqbasho, ma jirtaa arrintaas?

J: Deeqaha waxbarasho ee aannu Soomaalida siino oo aan anigu masuul ka ahay, waxaannu u qaybinaa dhammaan Soomaalida, koonfurta iyo Puntland, cidna gaar uma laha, Ibraahim Cadow [Wasiirkii Tacliinta Sare ee Soomaaliyda ee ku geeriyooday qaraxii Muqdisho] ka hor intaanu dhiman laba toddobaad wuxuu i weydiiyey deeqihii waxbarasho ee Somaliland loogu talogalay, markaa sidaan su’aashaas u fahmay waxba kama jiraan.

S: Yaad kala soo xiriirtaan deeq waxbarasho ee aad Somaliland ugu talogasheen?

J: Kama hadlayo Wasaarado Waxbarasho ee deeqaha waxbarashada waa loo siman yahay, ciddii u soo horumartana way helaysaa, ilaa iminka laakiin ma jiraan tiro go’an oo Soomaalida loogu talogalay.

S: Maxay tahay ahmiyadda ay Masar ka leedahay mandaqada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya?

J: Dawladda Masar tan iyo markii dhibaatadu ka bilaabtay Soomaalida doorka Masar maaha mid meesha ka maqan, iminkana muddo bilo ah gudahoodna Masar waxay goostatay inay ka shaqayso, dib-u-hehiisiinta Soomaalida ilaa iminkana yididilo ayaanu ka qabnaa, annaga oo la shaqayneyna dawladaha caalamka ee daneya arrimaha Somaliya, gaar ahaan kooxda la yidhaahdo ‘Contact Group’, kana daali mayno ilaa aannu ka biyo keenayno.

S: ka waran Cadaawada ay dawladda Masar u hayso Somaliland?

J: … Maya, maya cadaawadi ma jirto, ereygaasina kuma habboona meesha ee waxaan u imi oo keliya inaannu horumarino xiriirka walaalahayo reer Somaliland ee umaan iman su’aasha aad i waydiineyso.

S: Sida uu qoray aqoonyahan reer Masar ahi Carabtu waxay dhegaha ka fureysatay Somaliland iyaga oo ku adkeysanaya midowgii Soomaaliya, Somaliland-na waa fursad ay lumiyeen, arrintaa maxaad ka leedahay?