Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Nin Somaali Oo Maxkamad Ka Mamnuucday Inu Dadka Ku Qoslo Si Xuna U Eego Qaab Xumana U Istaagin

Monday - December 7, 2009

Xasan kaahiye 46 Jir ah ayaa lagu soo eedeyey inuu ku qoslay Gabar yar oo ay dhalayn Lamaane ay lix sano ka hor Muran dhexmaray.

Kaahiye oo dacwad lagu soo Oogay ayaa ku doodaya inuu wadada marayey markuu arkay gabartaaney yar ee 15-jirka ah oo ku jaasaysa wadada dhinaceeda isagoo marka caruurtiisa Iskuulka geeyey.

Mr kaahiye ayaa ku adkeysanaya inuu dhoola cadeeyey oo madaxa luxay kadibna qoslay, laakin intaas ayaa noqon karta dambi maxkamad lagu saaro madaama Sharciga Iswiisar-ka gobolada qaarkood oo uu qabanayo.

Maxkamada Darajada Dhexe ayaa sanadkii 2007 Xayiraado kusoo rogtay Mr Kaahiye kadib markii Muran dabo dheeraaday dhex maray isaga iyo Lamaanaha ay Jaarka yihin ee Stuart & Shirley Latham .

Xukunka Wakhtigaas Maxkamadu ku riday Mr Xassan Kaahiye ayaa ka mamnuucaya inuu dadka ku qoslo, inuu Si xun u eego iyo inuu gacan ka geystaba waxyaalaha dadkale qabanayaan.

Waxa sidoo kale laga mamnuucay inuu ul iyo farta ku fiiq fiiqo dadka iyo inuu si xun dadka ula istaagin.

Mr Xasan Kaahiye ayaa ku doodaya in Dambiile looga dhigay waxyaabo bila micna ah iyado ay jiraan kuwa iga dambi badan oo dariiqyada iyo bulshada dhexdeeda Qooraha ku xoqxoqanaya sidi wax jabto qaba ayuu ku dooday Mr Xasan Kaahiye.