Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Sirdoonka Daanish-ka Oo Cadeeyey In Ninkii Isku Qarxiyey Hoteel Shaamow U Ku Noolaan Jiray Denmark

Tuesday - December 8, 2009

Copenhagen: Ninkii isku qarixyey Huteelkii Shaamo ayey Sirdoonka Danish-ku Sheegeen in uu ahaa Nin Somaaliyeed oo ku koray Dalka Denmark. Warbaahinta Danish-ka ayaa ilaa shalay aad uga hadlaayey ninkaa la sheegay in uu gaystay Qaraxii Muqdisho.

Television-ka la yiraahdo  TV2 oo laga leeyahay Denmark oo Xiriiro kale duwan la sameeyey dad Soomaali ah ayaa sheegay in ninkaa Qarax gaystay uu ahaa qiyaastii nin 20-ka kor u dhaafay, waxaana Idaacadaha laga sii daayey in uu 5 sano jiray markii uu Denmark yimi. Hooyadii iyo Ehelkiisa ayaa degen Caasimada dalka Danmark ee Copenhagen.

Idaacadaha iyo Tv-yada dalka Denmark ayaa bilaabay in ay ka hadlaan qaraxii lagu dilay 4-ta wasiir ee ka tirsan Dawlada Shariifka  oo ay ku jiraan takhaatiir , Macalimiin iyo Arday badan , fal danbiyeedkaa ayaa lagu eedaynayaa Argagixisada Al-shabaab.