Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

iLaah Baa Mahad Leh..Takhtar Caan Ka Ah Cariga Ingiriska Oo Aan Ka Ga'ban Qaadashada Diinta Islaamka

Wednesday - December 9, 2009

LONDON - Ninka ay walaalaha yihiin wasiirka kaydka ee dalka ingiriiska GEORGE OSBORNE oo da ,ahaan kayar magaciisana la yidhaahdo ADAM OSBORNE ayaa waxa la sheegayaa inuu qaatay diinta islaamka ama uu noqday nin muslim ah arintaasina waxa ay ka danbeysay kadib markii uu damcay inuu guursado gabar ay aad isu jeclaadeen oo muslim ah dhalasho ahaana ka soo jeeda dalka BANGALADESH.
Gabadhan oo ah takhtarad ayaa waxay xiriir lahaayeen mudo 14 sanadood ah ninkan muslimay waxa ay ku kulmeen markii ugu horeysay jaamacada ay dhigan jirtay,
 
Sida ay qortay jariirada DAILY MAIL ninkan magaciisa la yidhaahdo (Adam osborne) ayaa  arintana inuu qaato diinta islaamka waxay ka danbeysay kadib markii reerka ay gabadhu ka dhalatay ay ku xireen inuu muslimo si uu inantooda u guursado.