Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Maxamed Khalif Isku Qarxiyihi Hotel Shaamoow Oo Waalidkiis Beeniyey Inu Ku Lug Lahaa Falkaas

Thursday - December 10, 2009

Wiilkii lagu tuhunsanaa inuu ka dambeeyay Qaraxii ka dhacay Hotelka Shaamow ayaa Aabihii dhalay wiilkaasi oo ku sugan dalka Denmark uu sheegay inuusan wiilkiisu ahayn kii qaraxaas fuliyay.

"Wuxuu ahaa wiilkayga  miskiin aan wax shuqul ah ku lahayn siyaasadaha ka jira Soomaaliya, wuxuuna sannadkii hore bishii June aaday Soomaaliya si uu u barto diinta Islaamka" ayuu yiri Xasan Xaaji oo sheegay in sawirka qofka la soo bandhigay uu ahaa wiilkiisa oo uu garanaayo.

Xasan Xaaji Aabbaha dhalay wiilkaas ayaa sheegay in wiilkiisu uu deggenaa degmada Marka ee Gobolka Sh/ hoose, uuna la hadlay dhowr maalmood ka hor  isagoo u sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn kooxaha isku haya Soomaaliya.

Sidoo kale Aabaha dhalay wiilkaasi ayaa sheegay  in wiilkiisu uu ka tagay hal xaas oo lahayd uur, isagoo wiilkiisa ku sheegay mid lagu casuumay xafladda oo uu wehlinayay wiil ay saaxiibo ahaayeen oo ka mid ahaa kuwii qalinjabinayay kaasoo ku dhintay isna qaraxa