Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Dalka Shiinaha Toonta Oo La Qiimo Noqotay Dahabka

Friday - December 11, 2009

SHANGHAI -  Dalka shiinaha (toonta) ayaa la sheegayaa inay la qiime noqotay dahabka iyo guryaha iyadoo qiimaha la siisto toonta uu afartan jeer kor u kacay sanadkan.sababta arintan keentay ayaa la sheegayaa inay tahay iyadoo dadka shiinaha ah ay rumeysan yihiin inay toontu dawo ka tahay xanuunka ama  feyriska H1-1 ee loo yaqaan (hargabka doofaarka),
 
Qiimaha la siiyo toonta ayaa hoos u dhacay labadii sano ee ugu danbeeyey iyadoo mar qura  samada isku shareertay isbuucyadii u danbeeyey iyadoo shiinuhu ka mid yahay sadexda dowladood ee aduunka ugu beerida badan toonta.

qiimaha toonta ayaa 40 jeer kor u kacay bishii 11 aad ee sanadkan 2009 magaalada SHANDONG ee ku taala bariga dalka shiinaha taasoo qani ku ah beeraha. ninka ka mas,uulka ah jamciyada iibisa toonta oo magaciisa la yidhaahdo GAO FANGLING ayaa sheegay in qiimahan toonta ee sare u kacay aan loo hayn wax daliil ah iyadoo ay soo martay TOONTA hoos u dhac wey labadii sano ee ugu danbeeyey kadib markii uu hoos u dhacay dhaqaalaha aduunka taasoo ku kaliftey buu yiri inay dad badan oo shiine ah ay baabi'yaan beerahoodii toonta.
arinta iminka soo baxday oo aan la fileynin ee ah inay toontu daweyso fayreska hargebka doofaarka ayaa waxay keentay in aad loo dalbado isla markaana uu qiimaheedu aad sare ugu kaco iyadoo hargabka doofaarku uu ku diley dalka dhiinaha 200 oo qof bishii 11 aad ee sanadkan,
 
Arintan ayaa waxaa qeyb weyn ka qaatay dadka wax ku daweeya (dawo dhaqameedka) oo ka dalbadan bukaankooda inay soo iibsadaan toon aad u badan si aanay xanuunkaa u qaadin ama aanuu u dilin.
Sida ay qortay jariirada CHINA DAILY maamulayaasha iskuul ku yaala magaalada HANGZHOU ee bariga dalkaa ayaa waxay sheegeen inay keydsadeen 200kg oo toona si ay ugu bad baadiyaan ardeyda dhigata iskuulkaa,
 
Dhinaca kale khabiir ka tirsan xarunta CENTER FOR DISEASE CONTROL & amp; PREVENTION ayaa waxa uu sheegay inaan wax cilmi ah ama daliil ah loo haynin inay toontu dawo ka tahay hargabka doofaarka.
iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa la sheegayaa in dadka ka qanacsada toonta gaar ahaan magaalada WENZHOU ay soogasho faa,iido aad iyo aad u badan iyadoo la sheegayo inay doonayaan inay iibsadaan guryaha magaalada DUBAI.
Wakaalada wararka ee shiinaha ayaa sheegtay in dadkan ka baayac mushtera TOONTA ee magaaladan (wenzhou) ay ka heleen toontaa 8,4 malyuun yuuro(sideed malyuun iyo afar boqol oo kun oo yuuro),