Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Magacyada Dhallinyarada Soomaali-Kanadian Oo Ku Biirtay Al-Shabaab-ka Ka Faltamaya Soomaaliya

Sunday - December 13, 2009

Toronto - Qaar ka mid ah Dhalinyarada Soomaalida ah ee ku koray ama ku dhashay Dalka Kanada ee Soomaaliya u tegay inay ka dhinac dagaallamaan Kooxda Al-Shabaab, isla markaana qaarkood ay is-qarxiyaan ayaa Magacyadooda la shaaciyay ... halka iimaam Soomaali ah oo ka mid ah iimaamyada Soomaalida ee Dalkaasi uu ka hadlay aragtida saxda ah ee Diinta Islaamku ka qabto Is-qarxinta.Sida aanu ka soo xiganay Wargeyska The National Post oo Warkan baahiyay \.

iimaam Siciid Raage oo ka mid ah Culimada Soomaalida ee ku dhaqan dalkaas, ayaa Jimcihii dorraad Khudbaddii Salaadda kaga hadlay aragtida Islaamku ka qabo Is-qarxinta, waxaanu sheegay in Diinta Islaamku aanay ogolayn.

“Tani (Isqarxinta) Islaamka shaqo kuma laha.” Ayuu yiri iimaam Raage .... Dhinaca kale, iimaamkan oo aan hore looga baran in uu Khudbadaha Jimcaha kaga hadlo arrimaha Dhalinyarada Soomaalida ee dalalka Yurub uga tegaya in ay ku biiraan Kooxda AL-Shabaab ee Soomaaliya oo uu qaarkood sheegay inu yaqaanay, ayaa Khudbaddiisii Jimcihii dorraad kaga hadlay arrimahaas. Waxaanu sheegay in Dhalinyaradani ay aad ugu fudud yihiin inay raacaan Aragtiyo aan Diinta sal ku lahayn waana kuwa u fudud in la habaabiyo, waxa taa suurtogelinaya ayu yiri caaddifadda iyo shucuurtooda. Sababtoo ah, ma aha kuwo Diinta aad u bartay oo intay fariistaan oranaya aynu falanqayno arrintan iyo Muxuu Islaamku ka yiri ma oranayaan? Hase ahaatee, shucuurtooda kacsan iyo qiiro ku abuuran, ayaa qof waliba ka faa’iidaysanaya oo keenaysa in si sahlan loo duufsado Ayuu ku nuux-nuuxsaday iimaam Siciid Raage.

Iimaamka ayaa ka hadlay Wargeyska sheegay magacyada "National post" wiilasha soomaaliyeed  Waxaanu ka yiri  “Runtii waxa loo baahan yahay in aynu saxno.”Magacyada Wiilasha Soomaaliyeed ilaa hadda la la’yahay oo uu Wargeyskani baahiyay oo kala ah;

1-Maxamed Cali Dhoore oo da’diisu 25 ahayd, kaas oo Kanada tegay isaga oo 9 jir ah, waxaanu Shahaadada Degree-ga ka qaatay Jaaacadda York University. Hase ahaatee wuxuu tegay Kenya halkaaas oo la waayay markii dambe.

2-Maxamed Cilmi Ibraahim (Canlish).

3-Khaalid Aadan Nuur.

4-Mustafe Cali

5-Axmed Haybe Axmed.

6-Cabdiraxmaan Yuusuf

7-Maxamed Cali Gacal oo isagu ka tegay Minnesota, dhawaan-na tegay Toronto.

Dhinaca kale, iimaam Siciid Raage oo ka sii hadlaya Dhalinyartan la la’yahay, ayaa ka hadlay sababta u sahashay inay Soomaaliya tagaan, maadaama qaarkood Yurub ku dhasheen oo aanay aqoon u lahayn Soomaaliya. “Dhibtu waxa weeye in aad haysataan Ubad yar-yar oo Shaashadaha Koombuyuutarrada iyo Internet-ka isticmaalaya, isla markaana dhegaysanaya ee ka daawanaya afkaaraha noocan ah YouTube-ka ama meelaha kale ee Internet-ka. Kuwaas oo marka dambe is-moodaya in ay aqoon ku filan leyihiin.” Ayuu yiri Siciid. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yiri “Kuwa ay la hadlayaan iyaguna aqoon uma laha Diinta Islaamka, kaliya waxay u sheegayaan waxay doonayaan in loo fuliyo. Sidaa darteed, Caruurtan waxa majara-habaabiyay Warbixino khaldan Waxaan ulajeeda kuma hadli yaqaanaan Luuqadda (Soomaaliga), waligoodna dib ugumay noqon dalkii ay asal ahaan ka yimaaddeen oo ma yaqaanaan meel la maro. Markaa, sidee bay halkan (Yurub) intay uga tegaan ay Soomaaliya u tegi karaan?