Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Boqorki Shiicada Yaman Ee La Afgambiyey1962 Oo Soo Rogaal Celiyey Iyo USA Oo Arintaa Ka Gurmaday

Monday - December 14, 2009

Ciidamada sida Gaarka ah  ee Maraykanka ayaa loo diray dalka Yemen si ay u tabobaraan Ciidmada Yemen oo Dagaal kula jirta Kooxaha Mucaaradka ee Xudiyiinta.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa u sheegay Wargeyska Daily Telegraph in Axadii Ciidamada Gaarka ah ee Maraykanka loo diray Yemen si ay uga hortagaan in dalku isku rogo meel ay Al-Qaacida gabaad ka dhigato.

Talaabadan ayaa lagu xoojinaya ciidamada Yemen si ay u awoodaan inay ka guulaystan Al-Qaacida oo loo maleenayo inay ku xoogan tahay Gobolada Koonfurta ee Wadanka.

Khilaafka Waqooyiga Yemen ayaa soo bilaabmay 2004 laakin wuxu sii xoogaystay August 2009 Markaas oo Ciidamada Yemen ay Hawlgal ku qaadayn Waqooyiga Hawlgalkaas oo loo bixiyey Operation Scorched Earth iyadoo la doonayo in lagu burburiyo Awooda Dagaalyahanada Shiicada ee Waqooyiga ka dagaalama.

Dagaalka Waqooyiga Yemen ayaa iska horkeenay quwadaha Gobolka ee Sucuudiga iyo Iran iyadoo Yemen ku eedenayso Iran inay taageerto kooxda Shiicada, Irana ku eedenayso Sucuudigu inuu awood xad-dhaaf ah u isticmaalay Shiicada Dagaalamaysa.

Diyaaradaha Sucuudiga ayaa duqeeyey magaalooyinka ay ku xoogan yihin mucaaradku isagoo ku doodaya inuu doonayo inuu ka fogeeyo xuduudka.,